Markab Talyaani ah oo Bad-badiyay Tahriibayaal ay Somali ku jiraan

Talaado, Janaayo 12, 2016 (Daljir) —Tahriibayaal Soomaali oo Badda lagu tuuray oo ay Ciiddanka Badda Talyaaniga badbaadiyeen.

Maydka Haweeney Soomaali ah ayaa laga helay Xeebta magaalladda Puglia ee Koonfurta dalka Talyaaniga.



Wakaalladda Wararka Talyaaniga ee ANSA ayaa sheegtay in Haweeneydaasi geeriyootay wax yar kadib, markii gurmad ahaan loo geeyey Isbitaalka.

Haweeneydaasi waxay ka mid ahayd ugu yaraan 40 Tahriibayaal Somali oo ay ku jireen carruur oo ay Kooxaha Mukhalasiiin ah ay ka ka soo tuureen dooni ka soo shiraacatay Libya, xilli ay doonidu maraysay Badda Talyaaniga.

Telefishinka Dowladda Talyaaniga ee RAI ayaa sheegay in 35 Tahriibayaal Soomaali ah laga so obadbaadiyey saddex meel oo ka tirsan Xeebta magaalladda Puglia.

Telefishinka waxa kale oo u usheegay in la la la’ yahay 3 ilaa 4 haween oo ka mid ahaa dadkii lagu soo tuuray Badda.

Wargeyska The Republica ayaa qoray inay Baarayaasha dhegeysanayaan Dadkii ka badbaaday Shilkaasi, si ay u helaan Xog horseedi karta in la aqoonsaado Mukhalasiintaasi Arxan-laawayaasha ah.

Dhinaca kale, Hay’adda Muhaajiriinta Calaamiga ee IOM ayaa sheegtay in tiradda ugu dambeysay ee Tahriibayaasha ku geeriyootay Badda  Mediterranean ilaa sannadkii hore ay gaarayaan 3,771 qof.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com