HomeUncategorized

Marie Dedieu, muwaadinad u dhalatay Faransiiska, muddadana u afduubnayd kooxo burcad ah oo dhimatay; maydkeeda oo aan la ogayn meel lagu hayo.

Caption ...

Puntland oo looga dabaaldegay sanadguuradeedii 11-aad ee dhismaha Puntland. [Akhris …]
DHEGEYSO-Nin xoolihiisii abaartu dhaafisay oo isdaldaley.
Magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari oo siweyn looga ciiday (Sawiro)

Somalia, Oct 19 ? Waxaa lagu soo waramayaa in ay dhimatay haweenay da?ahayd oo u dhalatay waddanka Faransiiska taasoo bilawgii bishaan koox burcad ahi ay ka afduubteen meel loo dalxiis tago oo ku taalla dalka Kenya kaddibna loola soo tallaabay xagga Soomaaliya.

Dawladda Faransiiska ayaa xaqiijisay dhimashada Marie Dedieu, inkastoo aysan jirin faahfaahin dheeraad ah oo muujinaysa halka iyo habka ay u dhimatay qoftaasi dumar ah oo afduubnayd muddo ka badan labo todobaad.

Wararka la xiriira dhimashada haweenaydaas oo laga helay wasaaradda arrimaha dibadda ee Faransiiska ayaa muujinaya dhimashadeeda in loo badinayo in ay wayday dawooyin ay is-ticmaali jirtay afartii saacba hal mar, inkastoo aan wali si rasmi ah loo xaqiijin karin hubantida sababeed geerideeda.

Haweenaydaan hadda la tilmaamayo in ay dhimatay ayaa laga soo afduubtay meel loo tamashle tago oo ka mid ah dhulka Kenya, aadna ugu dhaw xaduudda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya, waxaana ay ahayd qof qabtay xanuuno dhawr ah, dhinaca kalena ahayd curyaan ku socota gaari gacan.

Haweenaydaan ayaa markii la afduubtay loola soo tallaabay xagga Soomaaliya, waxaana dawladda Kenya ay sheegtay afduubkaasi in ay gaysteen ururka Al-shabaab, inkastoo Al-shabaabna ay eedayntaasi iska fogeeyeen.

Saddex dumar ah oo labo ka mid ahi u dhasheen waddanka Spain, midda kalena u dhalatay waddanka Ingiriiska ayaa wali ku maqan gacanta kooxaha wax afduubta kuwaasi oo laga soo qafaashay deegaanno dalxiis oo Kenya ah.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: