Mareykanka oo War kasoo saarey duqeyn uu ka fuliyey Shabeellaha Hoose

Mareykanka oo War kasoo saarey duqeyn uu ka fuliyey Shabeellaha Hoose

Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay in saddex duqaymood oo cusub oo lala beegsaday ururka Al-Shabab ay ka fulisay Gudaha dalka Soomaaliya.

Duqayntan ayaa taliska Maraykana ee Africa ee loona yaqaan AFRICOM sheegeen inay ka dhacday degaanka Mubaarak ee Gobolka Shabeellada Hoose, maakintii shalay ee Axadda.

Maraykanku waxa uu sheegay in duqayntan lagu dilay siddeed ka tirsaUrurka ururka Al-Shabaab.

Maraykanku waxa sidoo kale uu sheegay inaan dad shacab ah waxba ku noqonin duqayntan.

Sabtdii, ayaa sidoo kale AFRICOM waxay sheegeen in iyagoo kaashanaya dowladda Soomaaliya ay duqeyn dhinaca cirka ah Jimcihii ku bartilmameedsadeen Xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com