Mareykanka oo war kasoo saaray xaalada siyaasadeed ee dalka Soomaaliya

Sii hayaha Ergeyga Mareykanka u qaabilsan Qaramada Midoobay, Richard Mills, ayaa sheegay in soo jeedinta guddigii ka koobnaa 14-ka xubnood ay si cad u qeexeyso habka ay tahay in loo xalliyo khilaafka doorashada, waxaana dhinacyada loogu baaqay inay ka shaqeeyaan hirgelintiisa.

“Talooyinka kasoo baxay guddigii farsamo ee Baydhabo waxay bixinayaan qaab-dhismeed cad oo lagu xallinayo caqabadaha siyaasadeed ee halista ku ah mustaqbalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga Twitterka ee Ergeyga Mareykanka u qaabilsan Qaramada Midoobay.

Sii hayaha ergeyga Mareykanka u qaabilsan Qaramada Midobay, Richard Mills ayaa sidoo kale sheegay in doorasho aan loo dhameyn ama mid fowda ah oo ay ka mid tahay dowlad kumeel gaar ah ay sii siyaadineyso oo keliya culeyska jira, dib u dhacna ku tahay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com