Mareykanka oo war kasoo saaray xaaada siyaasadeed ee Soomaaliya (Akhriso)

Mareykanka oo war kasoo saaray xaaada siyaasadeed ee Soomaaliya (Akhriso)

Dowladda Mareykanka ayaa markii u horeysay war saxaafadeed ka soo saartay xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya oo bilihii la soo dhaafay gashay marxalado aan la fileyn oo ka dhashay khilaafka dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

War saxaafadeed ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Mareykanka ku boorineyso dhammaan dhinacyada Soomaalida inay ka shaqeeyaan dib u heshiisiin siyaasadeed.

“Dowladda Mareykanka waxay ku boorineysaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, dhammaan Dowladaha xubinta ka ah Federaalka, iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay ka shaqeeyaan dib-u-heshiisiin siyaasadeed, iskaashi, iyo midnimo ayadda oo loo maraya wadahadal nabadeed”ayaa lagu yiri war saxaafadeedka oo ahaa mid kooban.

Sidoo kale waxaa war saxaafadeedka lagu sheegay in Soomaaliya ay ku tallaabsatay horumar wax ku ool ah oo laga dareemayo dhinacyada muhiimka ah.

“Waxaan ku dhiirigelinaynaa dhammaan inay isu yimaadaan oo ay la shaqeeeyan saaxibada Soomaaliya ee caalamiga ah si loo helo nabad, xasilooni, iyo barwaaqo”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.

Muddooyinkii u dambeeyay Mareykanka ayaa si dhow u taageerayay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo, iyadoo aanay badanaa ka hadli jirin xaaladaha siyaasadeed ee hadba mar soo kordha, iyadoo la xusuusto sida dowladdii hore ay xilli walba xaaladaha siyaasadeed ee dalka uga hadli jireen, waxaana jiray dhaliilo siyaasiyiinta mucaaradka u jeediyeen Mareykanka oo ahaa in danahooda gaarka ay ka leeyihiin dowladda ay kula safan yih.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • NuurkaNederland 4 years ago

    NUURKA.
    POLITICAL ANALYST.
    KHABIIR KU TAQASUSEY WAXA LOOGU YEERO ARGAGAXISADA……
    ……  .  …. … .. .. ………………
    IIDHEH MARAYKAN KA SOO QAAD…….
    ………………………
    WAXAAN ARKAA IN USA & UK AY YIHIIN KUWII BURBURIYEY DAWLADII EXE EE SOMALIYA HADEERNA KU ISTAAGSAN DFS SI AYSAN UKICIN!!!!.WAANA KUWA INOO DIIDAY INAYNU KU NOOLAANO NABAD & NOLOL SIDA DUNIDA OOKALE.
    BELO USA & UK AHAYN OO SOMALIYA HAYSATA MA JIRO.WARKAASNA WAA UUN IIDHEH MARAYKAN & QAWDA MAQASHII.
    SOMALIYA WAXAY U GO’AYSAA KHAYRAADKEEDA RAGBAANA KAYD KA DHIGTAY OO RAHMADAY UNA OGOLAYN INAY DEGTO OOKA FAA’IIDAYSATO KHAYRAADKEEDA RAGBAANA XASILOONI DARADA SOMALIYA $BLYNS KU BIXIYA,ANAGANA NOO SHEEGA INAY NA CAAWIYAAN SI SOMALIYA AY DAWLADNIMADEEDII U SOO NOQOTO!!!!!.
    WAA MUHIM INAAD OGAATAA MEESHA LAGAA JIRO!!.
    ALSHABAB WAA MARAYKAN
    MARAYKANA WAA ALSHABAB.
    SOMALINA MARAYKAN ISKAMA CELIN KARTO……..LKN FAHAMKA AAD FAHAMTO MEESHA LAGAA JIRO WAA GUUL…OK,IN AAD WAX KA QABATO ARIN KUGU TAAGAN WAXAA KA HORAYSA INAAD FAHAMTID ARINKA MARKAA WAX KA QABASHADU WAA KUU FUDUDAHAY!!!!!.
    FAHAM SOMALIYA ISKAMA AYSAN BURBURIN HADEERNA SIDAAS ISKAMA AHAAN EE RAG BAA KA DHIGAY OO $BLYNS KU BIXIYA,OGOOWNA WAX ARGAGAXISO,XAGJIR,LADHAHO OO JIRAA MA JIRTO LKN WAA UUN KOOXO YARYAR OO U SHAQEEYA CIA,MI6,MOSSAD IWM OO LOOGU TALAGALAY IN DALKU AANU DAGIN…..
    SOMALIYA WAA MASHRUUC.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com