Mareykanka oo war ka soo saaray dagaalka ay dowlada ku qaaday Baladxaawo

Mareykanka oo war ka soo saaray dagaalka ay dowlada ku qaaday Baladxaawo

Dowladda Mareykanka ayaa Caawa waxaa ay War kasoo saartey dagaalkii cuslaa ee Maanta duleedka Beled-Xaawo ku dhex-marey Ciidanka Dowladda dhawaan geysay degmadaas iyo kuwa Maamulka Jubbaland,kaas oo dhaliyey khasaaro kala duwan.

Qoraal kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa loogu baaqay dhinacyada ku dagaalamay Beled-Xaawo inay dagaalka joojiyaan wax walbana ku dhameeyaan

”Waxaan ugu baaqeeynaa dhammaan dhinacyada inay ka fogaadaan iskahorimaadka hubeysan ee ka socda Beledxaawo. Waxaan ku baaqeynaa in xal nabadeed laga gaaro khilaafka ayaa lagu yiri”Qoraalka Mareykanka.

Ugu dambeyn Mareykanka ayaa ugu baaqay Hogaamiyaasha dhamaan inay muujiyaan dulqaad,kaas oo ay dan ugu jirto ummadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka.

Dagaalkii Maanta ka dhacay inta u dhaxeysa Magaalooyinka Beled-Xaawo iyo Mandheera ayaa waxaa guulo ka kala sheegtay Saraakiisha Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland,walow Caawa xaaladda degan tahay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com