Mareykanka oo sheegay sideed ka mid ah Al-shabaab inuu ku dilay Jubada Hoose

Taliska Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa sheegay in duqayn ay Jimcihii ka fuliyeen gobolka Jubada hoose lagu dilay sideed ka mid ah ururka Al-shabaab.

Warqoraal ah oo kasoo baxay taliska ayaa lagu sheegay duqaynta inaan wax dhibaato loogu gaysan dadka rayidka uuna ahaa howlgal qorshaysan oo ay iska kaashadeen dowladda Soomaaliya, AMISOM iyo AFRICOM.

Mareykanka ayaa intaasi ku daray inay sii wadi doonaan howlgalada ay ku baacsanayaan kooxda Al-shabaab.

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com