Mareykanka oo sheegay inuu bilowday qorshaha ay uga baxayaan Suuriya

Isbahaysiga uu hogaaminayo Mareykanka ee ku sugan dalka Suuriya ee dagaalka kula jira Daacish ayaa sheegay inuu bilowday hanaanka ciidamada Mareykanka ay uga baxayaan wadanka Suuriya.

“Hanaanka ciidmada  Mareykanka ee ka bixdda Suuriya waxaa ay u socotaa si  looga baaraan degay,mana sheegi karo goobaha cayiman iyo halka dhaqdhaqaaqoodu ka socdo ” ayuu yiri Clonel Sean Ryan oo ah afhayeen u hadlay isbahaysiga.

Hay’dda xuquuqda Aadanaha ee Suuriya ayaa sheegtay isbahaysiga inuu dhaqdhaqaaq ka bixid ah ka bilaabay gobolka ku yaala waqooyi bari Suuriya Hasakeh.

Raami Cabdal Raxmaan oo ah afhayeen u hadlay hay’adda xuquuqda Aadanaha Suuriya ee fadhigeedu yahay wadanka Britain ayaa sheegay inuu yahay qorshihii ugu horeeyey ee ciidmaada Mareykanka uga baxaan Suuriya, tan iyo go’aankii madaxwayne Donald Trump bishii lasoo dhaafay.

Isbahaysiga Mareykanka oo ay ka mid yihiin Britain iyo Faransa ayaa la sameeyey sanadkii 2014kii, si’ ay dagaal ula galaan kooxda Daacish kadib markii ay isku magacaabeen khilaafada Islaamka.

Isbahaysiga ayaa taageero siinayay kooxda Kurdiga ee hogaaminaya xooggaga dimuqaardiga ee Suuriya oo dagaal la galay Daacish.

 

Bishii lasoo dhaafay madaxwayne Donald Trumo ayaa amray in gabi ahaanba lasoo saaro ciidamadiisa ku sugan wadanka Suuriya oo tiradoodu tahay laba kun, kadib markii uu sheegay in gabi ahaanba Daacish la  jabiyay

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay inay weeraro ka gaysan doonto Suuriya haddii ay ka baxaan Mareykanka, iyadoo beegsanaysa kooxda Kurdiga oo ay u aragto koox caqabad ku ah ammaanka qaranka ee dalka Turkiga.

Maalinimadii Khamiistii wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Melvut Cavusoglu ayaa sheegay xukuumadda Ankara inay ku dhaqaaqi doonto duulaan ka dhan ah dagaalamayaasha Kurdiga ee Suuriya,  balse la taliyaha  ammaanka ee madaxwayne Donald Trump John Bolton ayaa sheegay inay difaacayaan dagaalamayaasha Turkiga haddii ay ciidamadooda ka baxaan, balse madaxwaynaha Turkiga Erdogan ayaa ku tilmaamay hadalkaasi mid khalad ah.

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com