Mareykanka oo sheegay inuu 13- katirsan Daacish ku dilay duqayn diyaaradeed Puntland

Mareykanka oo sheegay inuu 13- katirsan Daacish ku dilay duqayn diyaaradeed Puntland

Mareykanka ayaa sheegay duqayn diyaaradeed oo uu ka fuliyay gobolada Puntland inuu ku dilay 13- dagaalame oo katirsan kooxda Daacish.

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay duqayntan oo Arbacii dhacday in lala beegsaday xeryo militari oo ay kooxda Daacish ku lahayd dhulka buuralayda ah ee Golis.

“Waxaan xiligaan qiimaynay in duqayntii May 8, lagu dilay 13- argagaxiso” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Mareykanka.

 

“At this time, it is assessed the air strike on May 8 killed 13 terrorists,” it said.

AFRICOM ayaa sheegtay bishii April inuu dilay hogaamiye kuxigeenkii kooxda Daacish Soomaaliya Cabdixakiin Dhuqub.
Dhanka kalle wararka radio Daljir uu ka helayo bariga magaalada Bosaso ayaa sheegaya duqayn diyaaradeed inay xalay ka dhacday deegaanka Camayra oo 45km dhanka bari uga toosan magaalada Bosaso, mana jirto wax xog dheeraad ah oo laga hayo khasaaraha kadhashay.

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com