Mareykanka oo oo $5Milyan duldhigay Jehad Serwan Mostafa oo Al-shabaab ka tirsan

HomeWararka

Mareykanka oo oo $5Milyan duldhigay Jehad Serwan Mostafa oo Al-shabaab ka tirsan

Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay lacag abaalgud ah oo ay siineyso ciddii soo sheegta xog horseedi karta in la xiro Jehad Serwan Mostafa oo u dhashay

Wafdi uu hogaaminayo Wasiir Cabdi Xoosh oo gaaray Koonfur Afrika
Jubbaland oo faah faahisay dhibaatada la dhalatay fahaad uu sameeyay Wabiga
Warka Fiidnimo iyo Najiib Maxamed Faarax, Daljir Qardho (dhegayso)

Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay lacag abaalgud ah oo ay siineyso ciddii soo sheegta xog horseedi karta in la xiro Jehad Serwan Mostafa oo u dhashay Dalka Mareykanka.

Jehad Serwan Mostafa ayey dowladda Mareykanka sheegtay in u u yahay qofka u dhashay Mareykanka ee ugu sarreeya Al-Qaacidda gaar ahaanna Al-shabaab dhexdeeda.

FBI-da Mareykanka ayaa sheegtay in Jehad Serwan Mostafa uu Al-shabaab ku biiray sanadkii 2006dii lana dagaallamay Ciidamadii Itoobiya ee isla sanadkaas faragelinta ku sameeyay Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Jehad Serwan Mostafa uu noqday madaxa Ajaanibta Al-shabaab, madaxa qaraxyada Al-shabaab, tababare sare oo ka tirsan AL-shabaab iyo madaxa warbaahinta ee Al-shabaab.

Wasaaradda Arrimaha dibadda, Wasaaradda caddaaladda iyo FBI-da Mareykanka ayaa ka dalbaday dadka hela xogta Jehad Serwan Mostafa in ay la xiriiraan Qunsuliyadda Mareykanka ama Xafiiska FBI-da Mareykanka ee ugu dhow si ay u gudbiyaan xogtiisa.
Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 1
  • NuurkaNederland 4 years ago

    WAXAAN U AQAAN KUWA UU MARAYKANKU LACAGAHA DULDHIGO INAY YIHIIN KUWO ISAGA U SHAQEEYA OO AY IIDHEH MARAYKAN TAHAY & MAJARO HABAABIN.TUSAALE FUDUD:OSAMA BEN LADEN OO UU MARAYKAN $MLYNS DUL DHIGAYBA WUXUU KU NOOLYAHAY (BAHAMAS)LAMANA DILIN.SEKERIYE OO UU MARAYKAN $MLYNS DUL DHIGAYNA DABCAN MARAYKAN WAA KA KU QASBAY DFS INAY KA SHAQO GELISO NISA KADIB MARKUU MARAYKANKA SI FIICAN ULA SOO SHAQEEYEY!!!.SH ATAM WAA KA QATAR KUNOOL,MARKAA DHEG HAW DHIGINA IIDHEHDA AMERIKANKA.WAA JOORNAAL LA AKHRIYEY!!!.KAN AAN ARKAANA WAA UUN GACANYARE CIA LEEDAHAY!!!..
    QAADO QAACIIDADAYDII AHAYD:
    ALSHABAB WAA MARAYKAN
    MARAYKANA WAA ALSHABAB.
    ALSHABAB+CIA+MI6+UNSOM+AMISOM+NISA=ONE.
    ISIS=ISRAELI SECRET INTELLIGENCE SERVICE.(ALYUHUUDIYAH GROUPS)ISNOT MUSLIMS.

DISQUS: