Mareykanka oo kordhinaya tababarada Ciidamada dowladda Soomaaliya

Mareykanka oo kordhinaya tababarada Ciidamada dowladda Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo uu welhiyo taliye ku xigeenka ciidanka xoogga dalka Jeneraal Cabaas Amiin ayaa waxay kulan la qaateen saraakiil ka tirsan hogaanka taliska ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen xoojinta xiriirka labada dhinac iyo sidii dowladda Mareykanka ay u xoojin leheed tababarada la siiyo Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan kumaandooska Danab iyo dagaalka Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa waxaa uu Soomaaliya ka taageeraa tababarada Ciidamada Kumaandooska iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyada oo mararka qaar duqeymo cirka la beegsada Xarumaha Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa dhawaan in ka badan 700 oo askari oo ka joogay Soomaaliya kala baxay, kuwaas oo la geeyay xero ku taal Kenya, kadib Amar kasoo baxay Madaxweyne Trum.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com