Sarkaal sare oo ka tirsan howlgalka Mareykanka Afrika AFRICOM ayaa ka hadlay wararka sheegaya in sarkaal ka tirsan shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud lagu diley duqeyn ka dhacday degmada Jilib.

Sarkaalkan ayaa sheegay in aysan heyn wararka sheegaya in duqeyn shalay gelinkii dambe ay ka geysteen diyaaradahooda duulli la’aanta Degmada Jilib in ay ku dileen Madaxii Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee Degmadaasi.

Waxa uu sheegay in ay duqeynta ay isla ogaayeen Dowladda Federalka Soomaaliya, isla markaana ay bartilmaameedsadeen xubin katirsan Al-Shabaab oo uusan magaciisa iyo darajadiisa sheegin.

Hase yeeshee,Sarkaalkan ayaa sheegay in ay baari doonaan dhacdadan kadibna wixii ka soo baxa ay soo bandhigi doonaan.

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom ayaa xaqiijiyay in diyaaradaha duulli la’aanta (Drones) ay duqeyn ku dileen Maxamuud Xaaji Salaad oo ah Nin wakiil uga ah Shirkadda Hormuud Laanta Degmada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe.

Diyaaradaha Mareykanka ee duqeynta ka geysta Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya waxa ay Taliska AFRICOM ay sheegaan in ay ku dilaan xubno katirsan Al-Shabaab, iyaga oo ujeedka ku sheega in ay kaga hortagayaan khatar kusoo wajahan DFS, AMISOM iyo Mareykanka.

Ma

Leave a comment

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *