Mareykanka oo hub ku kacaya $5 bilyan ka iibinaya Sacuudiga iyo Imaaraadka

Mareykanka oo hub ku kacaya $5 bilyan ka iibinaya Sacuudiga iyo Imaaraadka

Dowladda Mareykanka ayaa Talaadadii ku dhowaaqday inay hab difaac gantaallo oo marka la isku geeyo qiimihiisu dhan yahay $5 bilyan ka iibineyso Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta.

Ansixintan ayaa lagu dhowaaqday laba toddobaad kadib markii madaxweyne Joe Biden uu hoggaamiyeyaasha labada dal kula kulmay Sacuudi Carabiya oo uu ku tegay booqasho lagu xaoojinayey xiriirka xumaaday ee Washington kala dhaxeeya labada dal.

Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sheegtay in Sacuudi Carabiya ay iibsan doonto 300 oo ah habka difaaca gantaalada ee Patriot MIM-104E, kaasi oo loo adeegsan karo in lagu soo rido gantaallada ballistic-ga iyo kuwa kuruuska ee ridada dheer.

Qiimaha guud ee gantaallada, tababarka iyo qalabka dayactirka ayaa ku kacaya $3.05 bilyan, sida ay sheegtay Waaxda.

Sacuudi Carabiya ayaa dhowaanahan wajaheysay halis gantaallo oo kagama imanayey kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen, kuwaas oo hela qalab iyo taknoolajiyad ay sameyso Iran.

“Gantaalladan waxaa loo adeegsanayaa in xuduudaha Boqortooyada Sacuudiga Carabiya looga difaaco gantaallada ballistic-ga iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee sida joogtada ay Xuutiyiinta uga soo gudbiyaan xuduudda kuna weeraraan goobaha shacabka iyo kaabayaasha muhiimka u ah Sacuudiga,” ayey tiri Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka.

Sidoo kale, dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in gantaallada loo yaqaan THAAD oo ku kacaya $2.25 bilyan ay ka iibin doonta Imaaraadka Carabta.

Imaaraadka ayaa waxaa sidoo kale dhowr mar weeraro gantaallo ah la beegsaday Xuutiyiinta, kuwaasi oo ay ka hortageen habka difaaca gantaalada ee ay adeegsadaan ciidamada Mareykanka ee saldhigga ku leh dalkaas.

“Iibka gantaalladan waxay horumarin doontaa awoodda Imaaraadka Carabta ay hadda iyo mustaqbalka uga hortageyso halista gantaallaha ballistic-ga, una yareyn karto isku haleynta ciidamada Mareykanka,” ayey tiri Waaxda Arrimaha Dibedda.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com