Mareykanka oo duqaymo ka fuliyeey Buuraleyda Golis

Mareykanka oo duqaymo ka fuliyeey Buuraleyda Golis

Ciidamada Mareykanka ayaa duqeyntii ugu horeysay ka fuliyay gudaha Soomaaliya tan iyo markii uu taliye cusub la wareegay Taliska ciidamada Africom ee qaarada Afrika.

Sida ay daabacday wakaalada wararka ee Sonna Ciidamada Maraykanka oo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa duqeyn ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab waxay ka fuliyeen deegaanada Buuraleyda Golis ee Waqooyi bari Soomaaliya.

Duqeynta oo dhacday July 27, 2019,ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay mid ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab oo ku sugnaa Buuraleyda Golis.

Sidoo kale duqeyntaasi ayaa la sheegay Ineysan jirin wax khasaaro ah oo shacabka ka soo gaaray.

Duqeyntan ayaa imanaysa xilli uu taliyaha cusub ee ciidamada qaarada Afrika ee Maraykanka uu dhowaan sheegay inuu qiimeyn ku sameyn doono duqeymaha ay ciidamada Maraykanka ka fuliyaan dalka Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com