Site icon Radio Daljir

Mareykanka oo dad shacab ah kulaayay Afgaanistaan

Todoba qof oo shacab ah oo kasoo jeeda hal qoys ayaa ku dhintay duqeyn cirka ah oo ay fuliyeen diyaaradaha mareykanka oo ka dhacay bariga dalka Afghanistan.

Xafiidulaah Mubaarak oo ah xubin katirsan maamulka Pakistaan ee Bariga Afghanistan ayaa xaqiijiyay in weerarkan uu ka dhacay magaalada Ariop Zazai oo maamulkooda hoos timaada, isla markaana lagu bartilmaameed saday gaari dad rayid ah saaran yihiin, waxa uu sidoo kale xaqiijiyey in weeraarkaasi ay ku naf waayay hal dhaqtar, saddex dumar ah iyo saddex Caruur ah.

Idaacada “Radio Ashna” ee gudaha Afghaninsatan, ayaa sheegtay in dhaqtarku isaga iyo qoyskiisuba ay kasoo laabteen janaasada mid ka mid ah hogaamiyaasha Daalibaan oo ay dileen ciidamada Afghaninstan.

Ciidamada mareykanka ayaan ilaa hadda wax faahfaahin ah ka bixin weerarkaan.

Dalka Afghanistan ayaa sanadihii ugu dambeeyey la’ildarnaa weerar iyo dagaalo joogto ah kuwaas oo u dhaxeeya xoogaga Dalibaan iyo ciidamada Afghanistan oo ay weheliyaan diyaaradaha isbaahaysiga mareykanku horkacayo.

Xukuumada Washington ayaa isku dayday in ay wadahadal la furto Daalibaan si looga baaqsado dagaalada daba dheeraaday ee dalka Afghanistan, halka xoogaga Dalibaana ay ku adkeysanayaan bixitaanka ciidamada Mareykanka.

Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.

Exit mobile version