Mareykanka oo 26 milyan oo doolar ugu deeqay qaxootiga Rohingya

Mareykanka oo 26 milyan oo doolar ugu deeqay qaxootiga Rohingya

Mareykanka ayaa maanta ku dhawaaqay inuu bixinaya 26 milyan oo doolar oo gargaar bini’aadannimo ah oo loogu talagalay qaxootiga Rohingya ee ku nool dalka Bangladesh.

Ku dhawaad ​​hal milyan oo qaxooti ah oo ka soo jeeda Muslimiinta laga tirada badan yahay ee Burma ayaa ku nool xeryo ku yaalla Bangaladesh iyo qaar kamid ah dalka deriska la ah dalkaasi si ay uga baxsadaan howlgalladii gumaadka ahaa ee ciidamada Burma ay ku bartilmaameedsanayeen.

Ololahi Milatariga Burma ee sanadkii 2017-kii, ayaa sababay mid ka mid ah dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee ugu xun adduunka.

Sida uu sheegay afhayeenka waaxda arrimaha dibadda Mareykanka Ned Price, Gargaarkan cusub ayaa sii xoojinaya dadaalada ay wadaan Hey’adaha ka shaqeeya arrimaha bani’aadamnimada inay sii wadaan bixinta gargaarka naf-badbaadinta ah ee bulshooyinka ay dhibaatadu saameysey ee ku nool xudduuddaha u dhexeya Burma iyo Bangladesh.

Hey’adaha gargaarka Qaramada Midoobay, ayaa Talaadadii shalay ku dhawaaqay inay u baahanyahiin 876 milyan oo doolar si loo daboolo baahiyaha bini’aadannimo ee qaxootiga Rohingya ee Bangladesh ku nool.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com