Mareykanka iyo Soomaaliya oo howlgal ka fuliyay xarunta ugu wayn ee Al-shabaab

Mareykanka iyo Soomaaliya oo howlgal ka fuliyay xarunta ugu wayn ee Al-shabaab

Ciidamo katirsan Danab iyo Mareykanka oo iskaashanaya ayaa howlgal ku qaaday degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe.

Taliyaha Ciidamada militariga ee 43aad ee Jubbooyinka Jan Cali Maxamed Maxamuud Bogmadow ayaa sheegay howlgalka in lagu qaaday xarun ay ku tababaranayeen dagaalamayaasha Al-shabaab.

Waxaa uu sheegay sodon ka mid ah dagaalamayaasha oo ay ku jiraan ajaanib in lagu dilay howlgalka.

Majirto war kasoo baxay Mareykanka iyo Al-shabaab oo kusaabsan howlgalkan.

Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa dhowr jeer sheegtay duqaymo ay fuliyeen inay ku beegsadeen hogaamiyeyaal katirsan Al-shabaab bilihii lasoo dhaafay.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • nuurkanederland 5 years ago

    WAR WAA IIDHEH MARAYKAN!!!.
    WAXAAN FFILAYAA INUU HUB UGEYNAYEY!!.
    DUQEYNTUNA WAA BEEN GUUR!FAHAMTU.
    ALQAACIDA,ASHABAB IWM WAA ILMO MARAYKAN,
    SABABTA SHABABKA LOOGA ADKAAN WAAYEYNA WAA TEEGEERIDA MARAYKAN TAAGEERO ALSHABABABKA!.
    HABAR WALBA WAA  OGTAHAY!!!

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com