Dowlada Mareykanka ayaa shaacisay in weerar si wadajir ah koofurta soomaaliya ay kaga fuliyeen Ciidamadooda iyo kuwa AMISOM oo garab siinaya ciidamada Dowlada Federalka ay ku dileen taliyahii gobalka shabellaha hoose u qaabilsanaa Al-Shabaab Macalin Cisman Cabdi Badil.
Weerarka oo sidoo kale qeyb ay ka aheyd diyaarad helicopter ah ayaa duqeymo xoogan iyo hub culus ku garaacday Xero ay deganaayeen Al-Shabaab waloow shabaabku ay iska caabiyeen oo ay dilay askari Mareykanka halka ay dhaawaceen turjumaabaan Soomaali mareykan ahaa.
Warkan ka soo baxay dowlada mareykanka ayaa lagu sheegay in u jeedkoodu uu ahaa dilka hogaamiye sare oo ka tirsanaa Al shabaab ee lagu magacaabayay Macalin Cisman Cabdi Badil waxaana dowlada mareykanka ay intaa ku dartay in weerarka ay ku dileen saddex kale oo katirsanaa isla Al shabaab.
U Jawaab Shirwac Abdisamad Buri halceliska