Maraykanka oo Xaqiijiyey Inuu Sarkaal Sare Ka Diley Kooxda Alshabaab

Maraykanka oo Xaqiijiyey Inuu Sarkaal Sare Ka Diley Kooxda Alshabaab

Dowlada Mareykanka ayaa shaacisay in weerar si wadajir ah koofurta soomaaliya ay kaga fuliyeen Ciidamadooda iyo kuwa AMISOM oo garab siinaya ciidamada Dowlada Federalka ay ku dileen taliyahii gobalka shabellaha hoose u qaabilsanaa Al-Shabaab Macalin Cisman Cabdi Badil.

Weerarka oo sidoo kale qeyb ay ka aheyd diyaarad helicopter ah ayaa duqeymo xoogan iyo hub culus ku garaacday Xero ay deganaayeen Al-Shabaab waloow shabaabku ay iska caabiyeen oo ay dilay askari Mareykanka halka ay dhaawaceen turjumaabaan Soomaali mareykan ahaa.

Warkan ka soo baxay dowlada mareykanka ayaa lagu sheegay in u jeedkoodu uu ahaa dilka hogaamiye sare oo ka tirsanaa Al shabaab ee lagu magacaabayay Macalin Cisman Cabdi Badil waxaana dowlada mareykanka ay intaa ku dartay in weerarka ay ku dileen saddex kale oo katirsanaa isla Al shabaab.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Shirwac Abdisamad 7 years ago

    Asc Daljir run Ahaantii Dilka hogaamiyaha Alshabaab u qaabilsanaa Shabeelada Hoose Macalin Cisman Cabdi Badil.
    oo ay dileeen Ciidanka Maraykanka iyo kuwa soomalidu waa mid ay gaareen hadafka qorshahooda halka shabaab ay dhabar jab weyn Ku noqonayso thanks Daljir
    0907412301

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com