Maraykanka oo sheegay inay duqayn ku dileen xubno ka tirsan ururka daacish

Maraykanka oo sheegay inay duqayn ku dileen xubno ka tirsan ururka daacish

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa sheegay inay fuliyeen duqeyn ka dhan ah kooxda Daacish ee Soomaaliya kadib markii kooxdaas ay weerartay ciidamada Soomaalida ee saaxiibka la ah, meel u dhow deegaanka Timirshe, oo 140 km u jira magaalada Boosaaso, 21-kii bishan July.

Qoraalka AFRICOM ayaa lagu sheegay in taliska uu qiimeyey in weerarkaas lagu dilay toddoba dagaalyahan oo ka tirsan kooxda Daacish ee Soomaaliya. Waxay sidoo kale sheegeen inay qiimeeyeen inaan weerarka lagu dhaawacin ama lagu dilin dad shacab ah.

AFRICOM ayaa sheegay in markii duqeynta ay dhacaysay, ay ciidamada Mareykanka ku sugnaayeen aagga si ay talo iyo caawimaad u siiyaan ciidamada Soomaalida ee saaxiibka la ah.

“Waxaan sii wadi doonnaa inaan cadaadis saarno kooxaha argagixisada, islamarkaana aan saaxiibadeena Soomaaliya ka caawinno inay kala dhantaalaan howlgalladooda,” waxaa sidaas yiri Brig. Gen. Miguel Castellanos, oo ah agaasime ku-xigeenka howlgallada AFRICOM.

“Waxaan sii wadeynaa taageeradeena si aan waxa la midka ah Daacish iyo Al-Shabaab uga ciribtirno Soomaaliya.”

Shalay ayaa deegaanka Timirshe, gaar ahaan goob lagu magacaabo Ceelka Il waxaa ka dhacay dagaal dhex maray ciidamada maamulka Puntland iyo kooxda Daacish, waxaana kadib xigay duqeynta ciidamada Mareykanka.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com