Maraykanka oo sheegay inay dileen saraakil ka tirsan Alshabaab

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka ayaa duqeyn ku dilay horjoogeyaal sar sare oo ka tirsan Ururka ee Al-shabaab.

Howlgalkan qorsheysan oo ka dhacay degaanka Kuunyo Barrow ee Gobolka Shabellada hoose, ayaa lagu beegsaday qaar ka mid ah horjoogeyaasha Al-Shabaab oo qaabilsanaa maalgelinta falalka argagixisanimo ee kooxdu ay ka fuliyaan koonfurta Soomaaliya

Horjoogeyaashan la khaarijiyay ayaa sidoo kale Al-Shabaabka u qaabbilsanaa soo ururinta xoolaha ay shacabka nawaaxigaasi ku dhaqan sida qasabka ah ugu qaadaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa dowladda Maraykana iyo ciidamada Amisom, waxaaay weeraro dhulka iyo cirka ah ku beegsataa maleeshiyaadka Alshabaab, iyadoo weerarkii midkan ka horayn lagu dilay ilaa 60 ka tirsan maleeshiyaadka Alshabaab oo ku sugnaa Gobolka Mudug


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com