Maraykanka oo sheegay in Shirqoolkii lagu qarxinlahaa diyaarad ku socotay Maraykanka lagu fashiliyey dalka Yemen

Washington, May 08 – Saraakiisha Mukhaabaradka ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in wakaaladda dhexe ee Sirdoonka Maraykanka ee CIA ay iyadoo wada shaqayn dhow la leh saaxiibo shisheeye ay fashiliyeen waxyaalo qarxa oo la gelin lahaa dalka Maraykanka.

Saraakiisha Maraykanka ayaa isniintii shalaytoole sheegay in faraca ururka Al-qaacida ee dalka Yemen uu ka dambeeyey isku daygaasi lagu doonayey in waxyaalaha qarxa la soo geliyo dalka Maraykanka.

Sirdoonka Maraykanka ayaa waxyaalahaasi qarxa ogaaday asbuuc uun ka hor xilligii loo dirilahaa dalka maraykanka ,iyadoo qof naftii-hure ah loo doortay in uu qorshahaasi fuliyo .

Qorshahan Al-qaacidada Jaziiraddaa Carbeed ku dooneysay in ay weerarkaasi ku fuliso ayaa saraakiisha Maraykanku ku sheegeen in uu muujinayo sida ururkaasi uu u khatar badan yahay,xitaa iyadoo diyaarado bilaa duuliye ah lagu dilay hogaamihii ururkaasi oo u dhashay Maraykanka ee lagu magcaabi jiray Anwar al-Cawlaqi iyo hawlgeliye kale oo isagana lagu magcaabi jiray Samir Khan.

Arrintan uu Maraykanku shaaciyey ayaa imanaysa, maalin uun kaddib markii diyaarad bilaa duuliye ah oo Maraykan ah lagu dilay Fahad Maxamed Axmed Al-Quso, oo isaga loo baadi goobayey kaalintii uu ku lahaa qaraxintii markabkii dagaalka ee Maraykanka ee USS Cole oo lagu qarxiyey dekedda Caddan ee dalka Yemen bishii October ee sanadkii 2000.

Saraakiisha Maraykanka ayaa immika sheegaya in ay weli daraasad ku sii hayaan iskudayga ay Al-qaacidda ku qarxin lahayd dalkaasi Maraykanka iyo sida qorshayaasha noocaasi ah loola tacaalayo.

Abdirashid Musse
Daljir Radio
Bossaso.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com