Maraykanka oo sheegay in ay soo af-jarayaan hawlgallada ciidan ee Afghanistan sanadka 2013.

Washington,Feb 2 – Wasiirka difaaca ee dalka maraykanka Leon Panetta ayaa sheegay in Maraykanku uu hoos u dhigidoono kaalinta dagaal ee ciidamadiisa ku sugan dalka Afghanistan badhtamaha sanadka soo socda ee 2013ka ,waxana xilligaasi ay hal sano ka badantahay xilliga loo qorsheeyey in ciimada Mareykanku ay ka baxaan halkaasi.

Isagoo ka hadlayey shir ay leeyihiin madaxda Nato ayuu Mr. Panetta sheegay in maraykanka ay u qorsheysantahay in uu kaalinta hawlagalada Afghanistan uu ku wareejiyo ciidamada dalkaasi, islamarkaana hawlgaladoodu ay ku koobnaadaan dhinaca tababarka.

Hadalka Mr Panetta ayaa noqonaya markii ugu horeysay oo sarkaal sare oo Maraykan ah uu ka hadlo xilliga ay masuuliyadda ammaanka ee dalka Afghanistan ku wareejinayaan ciidamada qaranka ee dalkaasi.

Dhamaadka sanadkan 2012ka ayaa la filayaa in ilaa 68,000 askari oo Maraykan ah ay sii joogaan dalka Afghanistan.

Xilligan xaadirka ah 99,000 askari oo Maraykan ah ayaa ku sugan dalka Afghanistan, waxana la filayaa in 22,000 askari oo ka mid ah ciidamadaasi ay dalkoodii dib ugu noqdaan sanadkan aan ku jirno ee 2012ka.

Ciidamada caalamiga ah ee ku u sugan dalka Afghanistan ayaa sida uu qorshuhu yahay ka baxaya dalka Afghanistan sanadka 2014ka ,laakiin dalalka qaar ayaa sheegaya in ay doorbidayaan in ay halkaasi ka baxaan ka hor xilligaasi,iyadoo dhowaan dalka Faransiiska oo ay ciidamo ka joogaan Afghanistan uu xaqiijiyey in uu ciidamadiisa kala baxayo halkaasi sanadka 2013 .

Cabdirashid Muuse
Daljir Boosaaso.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com