Site icon Radio Daljir

Maraykanka oo Markale Hanjabaad Culus U Diray Waqooyiga Kuuriya

Maraykanka ayaa sheegay in uu “awood milatari u adeegsan doono” Kuuriyada Waqooyi haddii ay sidaas “ka fursanwaydo”, hadalkaas ayaana dabo socda tijaabadii gantaalka riddada dheer ee ay Talaadadii samaysay.

Danjiraha Maraykanka ee Qaramada Midoobay, Nikki Haley ayaa sheegtay in ay Qaramada Midoobay hor gayn doonto qaraar cusub oo ka dhan ah xukuumadda Kuuriyada Waqooyi.

Saacado uun ka dib markii ay hadalkaas sheegtay, Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa gantaalo dheeri ah ku riday badda Japan arrintaas oo qayb ka ah dhoola tus milatari.Laakiin Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in aysan wax wadahadal ah gali doonin tan iyo inta Maraykanku uu ka soo afjarayo “siyaasadda” ka dhanka ah Kuuriyada Waqooyi.

Exit mobile version