Maraykanka oo ku Celiyay in Kenya ay ka Taageerayaan Dagaalka Al-shabaab

Sabti, May 30, 2015 (Daljir) — Danjiraha Maraykanka uga wakiilka ah dalka Kenya, Robert Godek ayaa sheegay inay Dowladda Maraykanka kala sshaqeyn doonaan Laamaha Ammanka Kenya La-dagaalanka Alshabaab iyo Dembiilayaasha kale.

Danjiraha oo ka hadlayey Jaamacadda Laykipiya oo uu ka furay Xarun lagu baranayo Xuquuqda Aadanaha iyo Xoojinta Sharciga, ayaa sheegay inay xoojin doonaan Taageeradda ay ka geysanayaan dhinacyadda Tababaradda, Sirdoonka iyo Ammaanka Kenya.

Robert Godek waxa uu ku booriyey Dowladda Kenya inay qaadaan tallaabooyin lagu xaqiijinayo Ammaanka, oo ay barbar socoto in la dhowro xuquuqda Aadanaha.

Dhinaca kale, waxa uu sheegay si looga guuleysto Alshabaab iyo Kooxaha uu ugu yeeray Argagixisadda in loo bahaan yahay inay dadka Kenya u midoobaan si looga hortago qalalaasaha Xag-jirnimadda.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com