Maraykanka oo Kordhiyey Soomaalida uu Soo Tarxiilayo

Maraykanka oo Kordhiyey Soomaalida uu Soo Tarxiilayo

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ku dhawaad 5 kun oo Soomaali ah laga soo tarxiili doono dalka Mareykanka ,islamarkaana lagu soo celin doono Soomaaliya, xilli 237 ruux mar hore lasoo celiyey.

Brendan Raedy, afhayeenka ICE, waaxda fulinta arrimaha socdaalka iyo kastamka ayaa VOA u sheegay laga soo bilaabo 1-dii bishan April, 2017 ilaa 4,801 oo Soomaali ah ay heleen amarkii u danbeeyay ee dalka looga soo saari lahaa.

Qoraal ka soo baxay ICE ayaa xaqiijinaya macluumaad uu VOA hore ugu sheegay safiirka Soomaaliya ee Maryakanka Axmed Ciise Awad oo isagu sheegay in safaaradda ay oggaatay in hay’addaha socdaalka Maraykanku ay qorsheynayaan inay masaafuriyaan ilaa 4 kun oo Soomaali ah oo imika ku nool Maraykanka.

Afhayeenka ICE ayaa sheegay in dadkan intooda badan ay danbiyo galeen, isla markaana ay ICE sii wadayso inay diirada saarto shaqsiyaadka halista ku ah amniga qaranka, badbaadada shacabka iyo waliba amniga xuduudaha.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com