Maraykanka oo ka hadlaya khilaafka kenya iyo Somaaliya

Waregyska the East Afrika ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa qoray in maamulka Madaxweyne Trump uu dhawaan soo faragalin doona Muranka badda ee ka dhex taagan Soomaaliya iyo Kenya.

Dowladda Mareykanka ayaa qorsheysay in ay saameyn ku yeelato xiisadda labadda dal ka hor in Maxkamadda Caalamiga ee ICJ aysan shaacin cidda sidda rasmiga ah ugu guuleysatay Muranka Badda Soomaaliya iyo Kenya.

Sidda uu qoray Wargeyska dowladda Mareykanka ayaa ka walaacsan xaaladda ay ku sugan tahay Soomaaliya iyo taageeradda ay siiso Soomaaliya, siddaasdarteed Soomaaliya ayaa macquul ah in ay ku qanacdo in la yeesho wadahadal dowladda Mareykanka ay hormuud ka tahay.

Muranka Kenya iyo Soomaaliya ee xadka badda waxaa uu haatan socdaa ku dhawaad 10 sano, wuxuuna ku saleysan yahay sida loo cabbirayo xadka badweynta Hindiya ee labada dhinac.

Soomaaliya waxay dooneysaa in cabbirka xadka badda si toos ah loola dhiririyo xadka dhulka, halka Kenya ay dooneyso in la weeciyo.


Posted

in

by

Tags:

Comments

One response to “Maraykanka oo ka hadlaya khilaafka kenya iyo Somaaliya”

  1. Yoji

    Dhex dhexadinta maraykanka way iska cadaha waxa kaso bixidona sadarted. Dowlado kale oon xulafada nato kujirin halo dhiibo arinka.

U Jawaab Yoji Buri halceliska

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com