Maraykanka oo ka hadlay doorashadii ka dhacday dalka Jabuuti

Maraykanka oo ka hadlay doorashadii ka dhacday dalka Jabuuti

Mareykanka ayaa sheegay in uu lasii shaqeyn doono madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle kadib guushii uu dhawaan ka gaaray doorashadii ka dhacday dalka Jabuuti.

Wuxuu sidoo kale u mahadceliyay kormeerayaashii doorashada Jabuuti, balse wuxuu ugu baaqay xukuumadda Jabuuti inay xoojiso arrimaha dimuqraadiyadda iyo hannaanka ku aadan arrintaas oo ay soo jeediyeen kormeerayaashii doorashada.

“Mareykanka wuxuu la shaqeyn doonaa dowladda madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo shacabka Jabuuti si loo horumariyo danaha ka dhexeeya labada wadan” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo lasoo dhigay bogga wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka.

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Jabuuti markii ugu horeysay madaxweyne ka noqday sanadkii 1999-kii markaas oo xilka uu kala wareegay Madaxweyne Xasan Guuleed Abtidoon oo Jabuuti soo xukumayey tan iyo markii xornimada ka qaadatay Faransiiska sanadkii 1977-kii.

Waa markii shanaad oo madaxweynaha Jabuuti loo doortay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waxuuna dalkaas sii xukumi doonaa shanta sano ee soo socota.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com