Maraykanka oo duqeyntii 37aad ka fuliyay sanadkan dalka Soomaaliya

HomeWararka

Maraykanka oo duqeyntii 37aad ka fuliyay sanadkan dalka Soomaaliya

Ciidamada Maraykanka ayaa duqeyntii 37aad ka fuliyay sanadkan deegaano ka mid ah dalka Soomaaliya shalay oo Arbaca ahayd iyadoo ay duqeymahan ay lagu

CIIDAMADA (PSF) PUNTLAND OO FASHILAY WEERAR AL-SHABAAB SOO QORSHEEYEEN (daawo)
Falanqeyn: Muxuu ka dhiganyahay safarka madaxweyne Farmaajo ee Hargaisa?
Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Bosaaso (dhegayso)

Ciidamada Maraykanka ayaa duqeyntii 37aad ka fuliyay sanadkan deegaano ka mid ah dalka Soomaaliya shalay oo Arbaca ahayd iyadoo ay duqeymahan ay lagu kala qaaday maleeshiyaadka Al-Shababa iyo Daacishta Soomaaliya.

Duqeynta ugu dambeysay ayaa lala beegsaday saraakiil ka tirsan ururka Daacishta Soomaaliya oo ku sugan buuraha Golis ee Maamul Goboleedka Puntland.

War-saxaafadeed ka soo baxay taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayey ku sheegeen in laba xubnood oo ka tirsan Daacish ay ku dileen duqeyntaas oo buuraleyda Golis ka dhacday.

Duqeyntan ayaa noqonaysa tii shanaad ee lala beegsado kooxda Daacish ee ku sugan buuraleyda gobolka Bari tan iyo 14-kii April oo dayuuradaha Maraykanku duqeyn ku dileen Cabdixakiin Dhoqob oo ahaa ku xigeenkii hoggaamiyaha Daacish ee Somalia.

Guud ahaan tirada duqeymaha ciidamada Maraykanka ka fuliyeen dalka Soomaaliya sanadkii aynu ka soo gudubnay ayaa gaareysay 47 halka sanadkan ay sii marayso 37 duqeyn.

COMMENTS

WORDPRESS: 1
DISQUS: