Maraykanka oo sheegay in ay duqayn ku dileen saraakiil al-Shabaab

Maraykanka oo sheegay in ay duqayn ku dileen saraakiil al-Shabaab

Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee ciidamada Kumaandooska Mareykanka oo kaashanaya ciidanka Soomaalida ayaa waxa ay duqeyn ka fuliyeen degaano ku yaalla dhanka Koonfureed ee magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo ka soo baxay taliska Mareykanka Afrika ee AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntan si gaar ah loola beegsaday goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Shabaab, islamarkaana lagu dilay Saddex ka tirsan Al Shabaab.

“Howlgal dhanka cirka ah ciidamadeena oo kaashanaya ciidanka Soomaaliya ay fuliyeen ayaa lagu dilay Saddex ka tirsan Al Shabaab, hawlgalka wuxuu ka dhacay degaan qiyaas ahaant 40-KM dhanka Koonfur Galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya”. ayaa lagu yiri war-saxafadeedka ka soo baxay Mareykanka.

Taliska Mareykanka Afrika ayaa sidoo kale sheegay baaritaano ay sameeyeen kadib inay ku ogaadeen inaanay jirin khasaare dadka rayidka ah ka soo gaaray duqeyntan.

Warbixinta AFRICOM waxaa lagu sheegay in iyaga oo kaashanaya AMISOM iyo dowladda federaalka ah ay sii wadi doonaan hawlgallada noocan ah islamarkaana dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab uu Mareykanka ka sii wadayo Soomaaliya.

Madaxwenaha dalka Mareynkanka Donal Trump ayaa bishii April ee sanadkan saxiixay xaalad deg deg ah oo looga dan leeyahay in lagu kordhiyo weerarada dhanka cirka ah ee ka dhanka ah Al Shabaab.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com