Site icon Radio Daljir

Maraykanka: Nin Soomali ah oo qirtay inuu teegeeray Al-Shabaab

Washington,Feb 7 -Axmed Xuseen Maxamuud oo ah muwaadin Maraykan ah oo asalkiisu yahay Soomaali ayaa ka hor qirtay maxkamd ku taala dalka Maraykanka inuu xiriir la leeyahay ururka Al-Shabaab.

Eedaysanahan oo ay FBI-da Maraykanku ay ku wadeen baaritaan ayaa sheegay inuu ka qaybqaatay lacago laga soo aruuriyay bulshada Soomaalida ee ku dhaqan gobolka Manisota ee dalka Maraykanka iyo dhalinyaro Maraykan ah oo loo soo diray dalka Soomaaliya si’ay Al-Shabaab uga barbar dagaalamaan.

Wararka ayaa sheegaya eedaysanaha la qabtay inuu wajihi doono xabsi 15-sano ah iyo laba boqol iyo konton kun doolar oo ganaax ah.

Dalka Maraykanka ayaa waxaa ku xiran 18-qof oo Soomaali Maraykan ah oo loo haysto inay katirsanyihiin ururka Al-Shabaab ayna ku socdaan baaritaano.

Diiwaanka Wararka
Daljir Boosaso.

Daljir.com

Exit mobile version