Maraakiib Midowga Yurub oo Tahriibayaal bad-baadiyay

Axad, Juun 07, 2015 (Daljir) — Warbixin ka soo baxday Midowga Yurub, ayaa waxaa lagu shegay in ay Maraakiibtooda ay soo samata bixiyeen, qiyaastiin 3,400 oo muhaajiriin ah kuwaasoo ku soo ku safrayay biyaha Mashquulka badan ee Mediterranean sea.

Dadka la badbaadiyay ayaa waxaa la sheegay in ay doonyo ka soo raaceen xeebaha wadanka Libiya, waxayna u kala dhasheen wadamo ay ka mid tahay somaliya.

50 ka mid ah dadka ayaa waxaa la soo badbaadiyay 24 saac ee la soo dhaafay, kadib markii ay u soo gurmadeen maraakiib laga leeyahay wadamada British, Ireland, Talyaaniga iyo Jarmalka, kuwaasi oo qeyb ka ah  howgalka Midowga Yurub.

Warbixinta ayaa sidoo kale muujineysa in 100, ka mid ah muhaajiriinta in ay yimaadeen  koonfurta dalka talyaaniga, gaar ahaan Degmooyinka Palermo iyo Trapani. Dowlada ingiriis-ka ayaa waxaa ay ka digtay in Nus Million Muhaajiriin ah ay soo galaan Yurub, maalmaha soo aadan, kuwaasoo iminka ku sugan dalka Libiya.

Captain Nick Cooke-Priest, oo lasocday Makab dagaal oo uu leeyahay Ingiriiska oo ka mid ah howgllada Samatabixinta Muhaajiriinta, laguna  magacaabo HMS Bulwark, ayaa usheegay wariyaashagay in Nus million Muhaajiriin ah uu kusoo arkay iyagoo kusuganyihiin Xuduuda dalka Libiya, ayna sugayaan in ay soo tahriibaan.

Dhinaca kale Qaar ka mid ah maraakiibta dagaalka ee dalalka Yurub ayaa lagu amray inay badbaadiyaan tahriibayaal, ku safrayay xeebaha dalka Liibiya oo ku sii jeeday Yurub.

Tahriibayaasha oo la sheegay inay kumannaan gaarayeen waxa ay ku safrayeen 14 doomood.Waxaa la qabtay saacado kaddib markii ay ka dhaqaaqeen xeebaha koofureed ee Liibiya.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com