Maraakiib shidaal-rarayaal ah oo lagu weeraray gacanka Cumaan iyo shaqaalihii oo la badbaadiyey

Maraakiib shidaal-rarayaal ah oo lagu weeraray gacanka Cumaan iyo shaqaalihii oo la  badbaadiyey

Tiro kamid ah shaqaalaha la socday laba markab oo waday shidaal ayaa laga badbaadiyay xeebaha Gacanka Cumaan, kaddib markii laba qarax laga maqlay maraakiibta.

Dowladda Iiraan ayaa sheegtay inay soo badbaadisay 21 shaqaalle oo la socday maraakiibta Kokuka  iyo Front Altair.

Ilaa iyo hadda ma cadda sababaha dhaliyay qaraxyadan ka dhacay maraakiibtan gooshayay mid kamid ah marinda ugu mashquulka badan ee ay adeegsadaan maraakiibta shidaalka wada, waxaana ay ku soo beegmaysaa dhacdadan bil kaddib markii afar ka mid ah maraakiibta shidaalka lagu weeraray Iimaaraatka Carabta.

Labada markab ee qaraxa uu ku dhacay ayaa laga leeyahay waddanka Norway, halka mid kalena uu ku gooshayay calanka waddanka Panama.

Mareykanka ayaa horay u xoojiyay maraakiibtiisa dagaalka ee ka jooga gacanka, si ay uga hortagaan weerar uga yimaada dowladda Iran oo ku hanjabtay inay weerari doonto maraakiibta shidaalka wada ee adeegsada marin biyoodka ugu mashquulka badan ee caalamka, iyadoo uga jawaabaysa cunoqabataynta Mareykanka uu ku soo rogay.

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com