Maqaal: Xaqiiqda Qofka Madaxda ah ee Somaliyeed ee Maanta

Labadan nin mid waliba waa madax hadana isku qiimo maha,waayo? Midi waa Raysal wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn oo dhabrkiisa danbe uu ka babanaayo cida uu matalo oo madaxda u yahay calankoodii.Tani waxay astaan u tahay in uu yahay nin leh dawlad. dhanka kale waxaa fadhiya oo kasoo horjeeda Madaxwaynaha Somaliland oo dhabarkiisa uu san ka babanayn calan muujiya cida uu matalayo iyo dawlada uu yahay.Hadaba waxa uu u muuqdaa shaqsi shacabka ethiopia kamid ah Muuse,maxaayeelay meesha hal calan unbaa haysta oo kaliya waana arin nin kii caqli leh wax wayn tusinaysa.Marka labada nin xaga dadnimada iyo kartida iyo aqligaba waxaa mudan muuse laakiin marka laga hadlayo mustawahan ay ku kulan san yihiin oo ah jirtaan iyo awood dawladeed waxaa ku leh oo sareeya Hailemariam muusana goob ceebeed oo liidata ayuu fadhiyaa isgoo aan waxba ahayn balse hoos jooga ethiopia.

Hadaynu nahay umada soomaaliyeed waa in aynu isu sheegnaa xaqiiqda iyo dhabta sidaa daraadeed waxaan aamin sanahay in muuse yahay walaalkay,oo aanahay isku diin,isku dad iyo isku dal qura,duulaana kuma ihi hayeeshee muuse meesha uu is dhigay marna raali kama ihi umana quuro,mana aha arimaha dhexdeena ah in ay keenaan haadaan isku tuur.

Halkan waxaa fadhiya laba nin oo madax ah,nin waa Madax waynaha dalka Soomaaliyeed Maxamed cabdullahi Farmaajo waxa garabkiisa ka babanaya calankii dalkiisa uu matalayo dhanka kale waxaa fadhiya Raysal wasaaraha Ethiopia Halemariam oo garabkiisa uu ka babanayo calankii  dalkiisa uu matalayo.halkaan waxaad ka fahmaysaa in laba dawladood oo siman ay ka hadlayaan danaha dadka iyo dalka ay matalayaan kolkaa waa siman yihiin.Laakiin dhanka sumacada iyo karaamada waxaa ku sareeya Madaxwayne Farmaajo waayo dadkiisa soomaaliyeed ayaa jecel halka Halimariam dadkiisu aysan ku qanacsanayn intooda badan,tasoo keentayba in uu iscasilay.

Madaxwaynaha Somaliland Muuse biixi iyo madaxwaynaha Soomaaliya waa laba nin oo walaalo ah hadana heerka uu mid waliba ka joogo dalkiisa soomaaliyeed iyo aduunkaba waxay isu jiraan inta cirka iyo dhulku isu jiraan. qofkastaana waxa uu qiimo iyo sharaf iyo karaamo ku leeyahay dadkiisa iyo dalkiisa aduunkuna taasuu qiimeeyaa.Tani waxay cashar u tahay qofkasta oo wadani ah oo soomaaliyeed.

Halemariam waxa uu masuul kayahay dal ay kunoolyihiin dad aan isku af ahayn, oo isku diin ahayn oo isku dhaqan ahayn oo isku isir ahayn,hadana rag ayaa u fakaray oo ku qasbay in nin walbaa iska iloobo qowmiyadiisa laguna midoobo hal calan iyo hal dal oo layiraahdo Ethiopia lagana difaacdo cadawga iyadoo hal qura lawada yahay oo ah waxaanu nahay dawlad ethiopia.

Adeer ninka intaa og qiimo agtiisa ku yeelan maayo iyo qadarin midna nin tolkiis kasoo duday.laakiin danihiisa guracan ayuu kugu fushanayaa in alaalle iyo intaad dayacantahay.horaan u sheegay qofkastoo soomaaliyeed 3 waa ku qasban yahay noloshiisa hadii kale macno yeelan maayo qadarina waligii helimaayo.

1.In dalkiisu Soomaaliya yahay difaacdana

2.In dadkiisu Soomaali yihiin difaacdana

3.In diintiisu islaam tahay difaacdana

Sadexdaa hadii khalkhal iyo jahawareer kaa galo oo shaydaan meel daran kaa tuuro noloshaado qiimo malaha.Waxaan jeclaan lahaa waxaan la hurayn in hore loo qabsado.Muusoow intaad shisheye laguha qabsanayso oo lagu bahdilayo waxaa ka quruxbadan in aad walaalkaa lugaha qabsato ama isagu lugaha ku qabsado oo arimihiina gudaha ah dhamaysataan midna noqotaan,markaas ayaad Muusoow yeelan haybad cadawga shisheeyana aad ka guulaysanaysaan. Alaa idiliye muusoow waanaag baan kula jeclahay,waxaana kuu arkaa nin aan xumayn laakiin shaydaan turaan tureeyay,geedkana quraankaa laynoogu sheegay oo waa cadawgeena,laakiin iska ilaaliya ayaa illaahay ina yiri.

In aynu wax kala tabanayno ma diidani,laakiin wax waliba xalbay leeyihiin raganimo ayaa larabaa.Soomaaliya nin walbaa gees buu u taahayaa waana cabanayaa,waxaase khasab ah hadaynu dadnimo iyo dawladnimo danaynayno,in miis loogu wada hadlo si dhab ah oo laka bogsado.waxaan qabaa horana aan inbadan u sheegay in caasimada lageeyo markaan waqooyi oo koonfur laga raro aad baan uugu arkaa xal iyo is aaminid buuxda.Waxaan ogalahay Muusoow in aad noqoto madaxwaynaha umada soomaaliyeed halkaa ka garo in aana wax kuu diidanayn adigaa shaydaan abqo kuu lulay ee.

Inkastoo aana jeclayn in aan sii faar faaro arimaha gudahaaga Muusoow,hadana waa iga xasuusin waxaa cad in Somaliland aysan ahayn dagaan balse ay tahay sidaad utaqaanaan ee soomaalidu idinku aragto! tusaale sool iyo sanaag iyo cayn waa gobolo iyo dhul aad u balaaran waxaa daga shacab soomaaliyeed dawlad bay leeyihiin layiraahdo khaatumo,kolkaa madawbaa in somaliland dad gaarihi leeyihiin oo tiraahdo waa dawlad walaalkaa markuu isna dawlad taada lamid ah samaystayna aad xaqirtaa sow dulmi maha? Mogdisho in adoo somaliland ah oo dawlad ah ku sheegato oo ku khasabto waxaa tiri waa dawdaro iyo dulmi lay dulmaayo,hadaad sidaa aqoon santahay in ay dulmi tahay suaal ayaa ratimaysa oo ah maxaad usheeganaysaa oo u khasbaysaa dawlada khaatumo sow dulmi maha? intaas ayaan uuga harayaa sii socon maayo.

Waxaa haboon marka wax kastoo lakala tabanaayo in laysu garaabo oo lawada hadlo.Wax farabadan oo Muusoow aad ku saxan tihiin ayaa jira marka laydiin eego koonfurta soomaaliya hadaad tihiin somaliland.Waxaa koow ka ah magalayo taarikhihii horeeyay balse hada idinka ciidamo somaliland ah ayaa ilaaliya madaxdiina iyo maamulkiina. Laakiin koonfur gaar ahaan caasimadii dalkeena waxaa jooga ciidamo shisheeye waayo way garan waayeen in ay dawladooda iyo madaxdooda nabad galiyaan si ay dalka wax uugu qabtaan oo ugutaan waajibkooda qaran. Waa dad dawlad diid ah danbaa khasabtay markaa in aduun waynuhu ukeeno ciidan madaxa ka garaaca oo ka ilaaliya madaxdooda.

Idinku Muusoow sidaad dawlad nimada urabtaan maamul iyo shacaba koonfuri umarabto yaabka la arkay.Muusoow niman afka duuban ayaa caasimadii dalkeena dadkii nag ka dhigay,waliba gawracaya oo sixun u dilaya,nimankaa afka duuban shacabkaa guryahooda ku haysta yaabkaan aragnay muusoow!! hadana isagii baa cabaadaya oo walay bireeyayeey ku haya habeen iyo maalin!! Muuwoow dawlad aan canshuur qaadin iyo shacab aan canshuur bixin kama dhacdo aduunka,sharciga dalka soomaaliyana wuxuu dhigayaa in labaxsho canshuur,si mushahar looga dhigo askarta iyo ciidanka dalka ee difaacaya shacabka,Muusoow balka sheekee haday diideen shacabkii in ay bixiyaan canshuur!! waliba ganaacsatadii uugu dhaqaalaha badnaa dalka,oo waxay diidayaan waa maxay waa 5% oo maceeshadu ay tahay canshuur dhaaf waxba laga rabin,ninkii 8000 dollar badeeco ah wata waxaa laga rabaa 8 dollar kaliya waana diideen. Muusoow madaxwayne farmaajo,oo hor illaahay ah nin jecel dalka iyo dadka iyo diinta oo raba in dalkeenu kabaxo dhibka iyo dawalad la aanta,oo raba wanaag soomaaliyeed nabad iyo nolol ayay ku sheegayaan siyaad bare oo mudo mootan!!

Labadaa nin farmaajo iyo siyaad bare isku xilimaha,oo isku marxalad maha,oo isku shaqsiyad maha,waa kala duwan yihiin markaa maxaa keenay siyaad bare? muusoow walaalle waxaas oo koonfur yaala eebahay waa idinka bari yeelay waadna nooga fiican tihiin dhankaa waana idiinka garaabaynaa libintaana waa idin siinay.

Waxaan kusoo gunaanaday nina kama maarmo sadexdaa qodob ee aan kor ku sheegay,kumana sii jiri karo dhaan daban gaale iyo khiyaali dhabta aan abaaro oo ah wada hadal soomaali ay runta isugu sheegayso.waxaana waajib ah waxkasta inta meel iska dhigno in aan dalkeena badbaadino iyo dadkeena waayo dawlad laan caalamka maanta cid noolaan kartaa majirto.waqooyi iyo koonfur labadaba khaladku wuu jiraa haba lakugu sii kala daraado laakiin taa gogol wada hadal ayaa lagu cadaynayaa oo lagu dhamaynayaa. dad shayaadiin ah oo leh sokeeye iyo shisheeyaba ayaa durba abuuraya baas iyo balaayo ay ku carqaladaynayaan hanaanka wada hadal ee walaalaha somaliland iyo soomaaliya oo gartay dantooda in ay xalistaan dhexdoodu iyadoon lagu dhex jirin.haliska jiro cadawga inaga dhex ganaacsanaya.

Yuusuf Cumar [email protected]


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com