Maqaal: Macquul Matahay Muqdisho in laga Wareejiyo Caasimadda Somaaliya ?

Maqaal: Macquul Matahay Muqdisho in laga Wareejiyo Caasimadda Somaaliya ?

Waxaa igu soo dhacday maah maah soomaaliyeed oo oraynaysa “DAWACO MEESHII AY MALABSI UUGA BARATAY AYAY MACALUUL UUGU BAKH TIDAA” Waxaa kaloo ay tiraahdaa soomaalidu “BARTII YAQAAN BARI UMA KORODHO” Siyaasiyiinteena iyo culimadeena iyo cuqaasheena iyo wax garadkeenu rag iyo dumarba waa in baan isku raacnay in ay MOGDISHO caasimadka dhigano.waana ku qoranay dastuurkeenii hase ahaatee waxay ahayd fikir fiican oo xiliyadaa ku haboonaa.waxaa suaashu tahay maanta iyo shalay MOGDISHO ma isku mid baa? saw hoog iyo balaayo kama aloosna? sow waxa dhacay ma aragtaan in 27 sanadood aynu soomaaliyeey ku guulaysan la nahay in dawladi ku shaqayso MOGDISHO oo ah caasimadeenii hore.waxaan u jeedaa oo aan uleeyahay caasimadeenii hore ayaan fahan kabixinayaa. waxaa suura gal ah in aad is waydiinayso maxaa keenay caasimad hore hadaba sawmaha caasimadeenii?

Horta si soomaaliyeey aynu isu fahano oo qofkastoo muwaadin ahi u garto xuquuqdiisa aan isla meel dhigno waa maxay caasimad? anoo ka duulaya fahankayga iyo aqoontayda yar ee illaahay isiiyay waxaan ku qeexayaa sidan.Caasimad waa deegaan magaalo go an, kamid ah qaran xor ah oo qarankaa dadkii lahaa isku raaceen oo ku heshiiyeen wadaniyiintu in ay u doortaan halmagaalo oo ay wada leeyihiin taa soo kaduwan magaalooyinka kale ee dalka iyadoo loo gu yeerayo magaca CAASIMAD.Waa in aan fahanaa hadii shacabka soomaaliyeed codkiisa kala noqdo caasimada in aysan markaa caasimad mgaaladaasi ahaanaynin maxa jira codka dadkay ku tahay caasimad wadaniguna xuquuqdaa isagaa leh.

Markuu codkiisa ku doortay caasimad muxuu helayaa qofka wadaniga ahi oo codkiisii dhiibay? waxa uu helayaa in uu si xor ah uugu noolaado caasimadiisa,in cid uu magan uugu yahay jirin oo isaga kaleh,in cid kasheegan kartaa jirn,in uu dagi karo,ku ganaacsan karo oo maal gashankaro,wax ku baran karo,laga doorankaro cod buuxana ku leeyahay oo wax doorankaro isagna la doorankaro macnaha caasimadaa sidaa ah maha wax qofkale leeyahay oo uu waydiisanayo waa wax uu isagu leeyahay qof kastoo wadani ah.

Lama rabo caadifad iyo jaahilnimo waxaa la rabaa faham ku dhisan cilmi iyo xaqiiqda dhabta ah ee dalkeena ka jirta marka laga hadalayo caasimada aad uugu fiirsada.Waxaan cadaynayaa Mogdisho caasimad ma aha laakiin way ahaan jirtay.sababta waa sheegayaa shalay waxaa daganaa dadkii codkooda ay ku ahayd caasimad kuwaas oo kakala yimid dhulka baadiyaha, tuulooyinka, dagmooyinka, gobolada jamhuuriyada dimuqraadiga ee soomaaliyeed.Nasiib daro waxaan gacmaheena ku duminay dawladii inoo dhisnayd oo meeshiiba ka baxday 1991dii.Tani waxay keentay in dalku galay dagaalo sokeeye oo sababay in dadkii isugu yimid caasimadii ay heshiiska ku ahaayeen ee ka dhaxaysay ka qexeen oo aadeen baadiyihii,tuulooyinkii,dagmooyinkii iyo goboladii ay kayimaadeen markii hore.halkaa waxaa isugu habar wacday oo u haray halbeel oo kamid ah beelaha soomaaliyeed oo kaligeed dagan Mogdisho kama hadlayo dhawrka qofoo marti ahaanta ula jooga.

Halkaa waxaa ku lumay hadaad fahanteen xeerkii caasimad lahayd.beeshani iyadoo loo eegayo xaga garashada,aqoonta iyo ilbaxnimada ay leeyihiin intay gaar siisan tahay ayay lawareegeen hantidii tiilay caasimada oo ahayd hanti u dhaxaysay umada soomaaliyeed mid lawada leeyahay oo dawladeed iyo mid shaqsi wadani ahi lahaaba kaasoo u qaxay goboladuu kasoo jeeday. waxayna ku dhawaaqeen inay hatidani tahay mid ayagu leeyihiin xalaalna u ah,caasimadana ay u leeyihiin beel ahaan.Fikirkani waxa uu sababay in isku day kastoo lasameeyay dawladi ku shaqayn wayday MOGDISHO ilaamaanta.Waxa uuna cadayn u yahay in mogdisho aysan caasimad ahayn lawda dagan yahay oo lawada leeyahay.

Waxaa xusid mudan oo aan cadaynayaa in beesha sheegatay mogdisho hanti iyo guryo oo dhana lawareegtay in ay tahay oo kaliya beesha HIRAAB laakiin ma jirto beelkale oo magaca HAWIYE ah oo falkaa foosha xun soomaali ku samaysay hadana wada.soomali maanta way isbaratay buste laysu soo huwan maayo.27 sanadood soomaali HIRAAB ayaa ka hortaagan in dawladi ku shaqayso mogdisho.waxa uuna ka xayuubiyay haybadii caasimadnimo guud ahaanba.waxayna noqotay caqab hortaagan dawladnimo soomaaliyeed hadaan laga wareegina sii hortaagnaan doonta 30 sanadood oo kale waana iska cadahay sababtu.

Maxaa xal ah soomaaliyeey oo ah halkee dawladu ku shaqaysaa? waxay ilatahay in aan isla fahano in dalkeenu haday tahay mogdisho iyo haday tahay baydhabo iyo haday tahay boosaaso iyo haday tahay hargaysa uu isku mid inoo yahay.haday tahay dhulbanaan tuulo dagmo iyo gobolba intaba waa dhul soomaaliyeed kol haday sidaa tahay dhulkeenu waa cabir ahaan 639,659km oo isku weer ah. waa dhul maanshaa allaah aad u wayn oo waasac ah makawaynay meel aan caasimad ka dhigano? maka waynay magaalo nabad ah oo dawladi ku shaqaynayso isla markaaba? maka waynay xataa meel banaan oo aan dhisano ileen waa nabad ee? sow inaguma cada soomaaliyeey in aynaan mashaakil jira sida loo xaliyo rog rogi karin oo kolba dhan ka eegi karin oo wax cusuba hindisikarin? 27 sanadood kadib ma mogdisho unbaa xal lagaraadin waayo waabay ahayd caasimad!!!? ma cidgaara caasimad kaligeed inoo doori karta oo na afduubi karta?

Hadii soomaaliyeey aynaan isyeel yeelaynin waa ogtihiin dawladaha caalamku intaas oo dal oo afrika ah ama asia ah ama yurub ah in ay caasimadoodii badaleen iyagoo u eegaya duruufo jira oo ah mid dhaqaale,mid deegaan,mid nabad galyo intaba inay u guureen.hadaynaan ahayn dad danbeeya oo badaw ah xal magarato ah maxaa ina dul dhigay qubuuraha mogdisho!!? waxaad ogtihiin xaqiiqada soomaaliyeey in marka cod la qaado in dadka soomaaliyeed codkoodu noqonayo70% 30 ka soo haray ayaa raba mogdisho oo ku qanacsan sidaa ay tahay inaysan waligeedba ka bixin. suuro gal maha in aan u xayiraano 30 cod.Maanta nin aqli bartii ku danbeeyo oo arintaa soomaaliya ay ku noqonayso dawlad shaqaysa si dhaqso ah aan soo dhawaynayn majiro ninkastaa waa ku raali in caasimad dawladi ku shaqayn karto lageeyo oo amaan ah.

Qaar baa dadka ku yiraahda qabiil baa loo dan leeyahay isagoo ula jeeda qabiilkaygaa mogdisho leh!! hadaan iraahdo moqdisho halaga badalo caasimada waa cod iyo xuquuq wadaniyadeed oon leeyahay mana khusayso reer iyo shaqsi kale midna.Laakiin dawlad diidka iyo shisheeye gadaalkataagan oo cadaw soomaaliyeed ah ayaa raba in SOOMAALI LUGTA UUGA XIRAATO HALKAA MOGDISHO.soomaalidu wali aad uuguma baraarugin shirqoolkaan.soomaalidu kama fikirin dabinkaan iyo cida dhigtay!! rag wali mahayno is waydiiya sideen uuga baxnaa dabinkan xujada ah? war walaalayaal soomaaliyeey war diinteena xataa ma dabakhi karno miyaa? wadaad xumaha soomaaliyeed ta wiilka iyo fahanka diintaba ma soo rogi karaan miyaa culimo ku sheegtan soomaaliyeed? war miyaydaan fahmin in Suubanaheenu nabiyu laah xabuubu laah muxamed caleeyhi salaatu wasalaam MAKA MARKII DAWLADII ISLAAMKA LAGA DIIDAY UU AADAY MADIINA OO LAGA SOO DHAWEEYAY DAWLADII ISLAAMKA.

Warmiyaydaan diinta tadaburayn? war nin aqli leh idinkuma jira miyaa soomaaliyeey? war maxaa xerada jinku fadhiyo ee shacabkii lagu gumaado u jeedaduna tahay uun dawlad diidnimo idin dhigay 27 sanadood? war maxaad u haligaysaan umada? war maxaad u diidaysaan magaalooyinka nabada ah ee idiin soo dhawayn sidii reer madiina oo caleemo qoyan iyo ubax idinkala hor iman iyo jaalayaaloow soo dhawaada jaalayaaloow soo dhawaada oo idin difaacaya idin raba idin jecel idinku farxi qarankana taagaya iyo dawlada soomaaliyeed?

Adeer marka dal la xalinayo loo joojin maayo reer hebel iyo waxaa la oran mida kalana meel kasta reer soomaaliyeed baa dagan ee xalkaa la abaaraa.umaduna xal bay rabtaa dhab ah.waa idiin waramay ee xalku waa cad yahay waana dhib yar yahay waa kaliya dawaladu hadagto meel nabad ah oo ay shaqadeeda qaran ku gudan karto si loo yaqleelo dawlad soomaaliyeed oo aan ahayn magac uyaal balse ah mid shaqaynaysa oo dhab ah.maaglo dhan oo shacabkeedu dawlad diid yahay dul fadhigeed 27 sana dood uma arko mid aan ku gaari karo dawlad shaqaysa oo dhab ah.sidaa daraadeed madaxwayne farmaajo iyo raysal wasaare kkhayre labada aqal iyo golaha wasiirada waxaan ka cod sanaynaa waxatihiin dad wadaniyiin ah dalkana inaad xal u heshaan ayaa laydiinka fadhiyaa sidaa daraadeed intaad ka kortaan dan shaqsiyeed iyo qabiil iyo waxan halkaa ina dhigay keena meel ama dagaan dawladu ku shaqayso oo idinkuna aad si nabad ah ugu shaqayn kartaan qarankiina ileen sidani dawladnimo ma aha ee. idinkii baa nabad xumo awadeed ugudan karayn shaqadiina,maxaad dadkale u qaban kartaan? war walaalayaaloow dib halysugu noqdo soomaaliyeey. waa ku kalsoonay madax waynaha iyo raysal wasaaraha iyo xukuumada iyo labada gudoomiye ee aqalada.Sidaa daraadeed xubnaha aqalka sare iyo golaha shacabka waxaan leeyahay adeeca madaxdiina dalkana xal kiisa a baara waad ogtihiine.

Qore Yuusuf Omar

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 3
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com