Maqaal: Iftiinka islaamka iyo Magaaladda Makkah

HomeWararkaMaqaalo Kale

Maqaal: Iftiinka islaamka iyo Magaaladda Makkah

Waxaan iftiiminayaa in aynu ku baraarugno waxa illaahay ina siiyay ee ah iftiinka iyo cilmiga islaamka.macnaha diinteena iyo taariikhdeeda iyo sunadii

Xoghayaha Dowlada hoose Dagmada Burtinle oo maanta olalahii nadaafada ka fuliyey xaafada israac
Warbixinta TARTAN & TACLIIN habeenkii 8aad: Suldaan Hurre Sare Xarfo fkf CC Sharmaarke Sare Gaalkacyo (dhegayso)
Daahfurka Golaha Horumarinta Qardho

Waxaan iftiiminayaa in aynu ku baraarugno waxa illaahay ina siiyay ee ah iftiinka iyo cilmiga islaamka.macnaha diinteena iyo taariikhdeeda iyo sunadii nabigeena caleeyhi salaatu wa salaam in aan dhuuxno oo fahano waa waajib.waxkasta oo dhib ah oo inagu yimaada xalkiisa dhibkaa waxaan ka helaynaa cilmiga iyo taariikhdii ficiladii nabigeena caleeyhi salaam.waxaan dareemayaa culimada soomaaliyeed kuwoodii hore waxay ahaayeen kuwo fahamay diinta islaamka iyo cilmiga kitaabka iyo sunada si buuxda.waxayna ahaayeen kuwo markiiba dareema dhagarta shisheeyaha muslim iyo gaalo kuu doono ha ahaadee taasoo keentay inay inoo ilaaliyaan 3 walxaad.

1.DIINTEENA ISLAAMKA AH OO AH INAYNU NAHAY SUNI HAYSTA MAD HABTA SHEEKH SHAAFICI.inagoon in kirsanayn imaamyada kale.

2.DHAQANKEENII IYO AFKEENII AYAY INOO ILAALIYEEN oo higaadii carabiga waxay inoogu badaleen afkeena sida alif la kordhabeey alif la hoos dhabeey alif laa goodeey. iyo kitabkii oo ay afkeena inoogu macneeyeen si cad oo hufan.dhaqankiina waa inoo dhawreen ciyaar iyo labis iyo xishood iyo xarago.

3.DALKIINA WAA INOO ILAASHEEN waa ka dhaxalay iyagoo aan haysan hubka maanta aynu haysano,iyagoo aan lahayn maalka maanta aynu haysano,iyagoon lahayn aqoon maadi ah iyo ilbaxnimo wayn ayay hadana uuga dhaarteen dhulkeena in rag iska maamusho khayraadkiisa oo dhaxlo.

Sadexdaa walxaad waxaan ka dhaxalay culimadeenii hore.horaa looyiri “RAG WAA RAGII HORE” waxay fahan sanaayeen wahaabiyada sucuudiga ee xiriirka laleh yuhuuda iyo nasaarada ee meel iska dhigay diinta islaamka waxayna u diideen in waahibaydu soo gasho soomaaliya ragii raga ahaa.wadaad xumaha hada xanbaarsan fariita wahaabiyada markuu dalkeena soogalay 1970 meeyadii hade waad aragtaan siduu inoo galay oo dalkeenii ka dhigay.hadaan intaa ka gudbo.

Magaalada MAKKA waxay ahayd halkii uu ka biloowday soo bixidii nabigeena caleeyhi salaam iyo in uu diinta uugu yeero oo dadku qaataan ku dhaqmaan sibuuxda.Makka waydiiday khayrkaa loogu yeeray iyo wanaaga ay ku liibaani lahaayeen aduun iyo aakhiraba.way diideen in ay ka baxaan mugdigii iyo gaalnimadii iyo jaahilnimadii iyo isdulmigii ay ku noolaayeen.bal hada eeg cida u heelan iyo waxa loogu yeerayo inta faa iido ku sugan ee ay arki waayeen reer Makka! Intaa kuma ekaan ee waxay dooneen in dawladaa islaamka ee dhismaysa iyo nabigaa illaahay usoo diray intaraacdayba burburiyaan oo katakhalusaan. xikmada illaahay inagoo u daynayna ayaan hadana aragnaa in dhibka qaybo kamid ahi ahaayeen niman is biday in ay yihiin reer xoogleh hubaysan haysta hanti nin kaydoonaan dili kara dhici kara dumarkay tay doonaana kufsan kara ayaa eegtay maslaxadoodaas oo u arkay inay luminayaan hadii xaqu yimaado iyo cadaaladu iyo sinaantu taasoo uuwado islaamku.dadkaa yaroo dan leeyda ah ayaa is hortaagay in dawlad islaam ka dhalato makka. waxaa kaloo badan xikmado farabadan oo illaahay kawatay arimahaan sida siirada iyo kitaabkeenu inoo sheegayaba.

Waxaa yaab leh halka Makka ay ka diiday xaqaa iyo dawlad islaam ah in magaalada ka hanaqaado oo ku shaqayso,waxaa jeclaaday in khayrkaa loo keeno agtooda iyo magaaladooda reer Madiina oo markii amarkii yimid ee ruuslkii alle soo aaday iyo muslimiintii kala hortagay farxad iyo soo dhawayn iyo qaabilaad kal iyo laab ah oo aan lookala harin. xikmad baa ku sugnaatay farqiga iyo qisada Makka iyo Madiina ninkii kasmaleh ayay ugu sugnaatay doqoni se waa moog. masharixi karo oo hadaan isbalaariyo waxaan u dhacayaa wax maqaal kawayn kolkaa waxaan ku dabri xusid uun.Markii reer madiina ku soo dhaweeyeen nabigeena caleeyhi salaam iyo asxaabadiisa magalaada Madiina ee ay la galeen balan ah inay hiil iyo hooba la dhimanayaan bilayaan in diinta islaamku kor ahaato ogoow maalintaas ayaa dawladii islaamku shaqaysay.Maalintaas ayaa islaamku helay magaalo uu dago oo ku shaqeeyo.

Waxay noqotay Madiina magaalo laga xukumo islaamka oo dhan oo u ah caasimad iyo xarun, waxaa laga dhisay masjidkii rasuulka iyo gurigii rasalka caleeyhi salaam waxay heshay cizi iyo sharaf caalamka oo dhan magaalo heshay aanay jirin oo ah inay noqotay caasimadii dawladii islaamka iyo inay heshay wax aduunka lagu helo wixii uugu qaalisanaa aakhirana anfacay oo ah rasuulkii alle ayay heleen oo xanaaneeysteen inlaa illaahay oofsaday kadibna magaaladoodii ku duugteen.maagaalooyinku waxay kukala khayr badan yihiin hadaba dadka dagan siday ula dhaqmaan bani aadamka iyo siday iyagu isula dhaqmaan. maka waxaa looga guuray isbaarada iyo mooryaanimada dadkeeda ay u dhigteen dawladii islaamka.

Waxaa kaloon casharkan ka baranaynaa oo inaga laynagu tusayaa hadii dawladnimadu ka shaqayn waydo magaalo waa in aad la aadaa dawladnimada magaalo kale oo lagaa soo dhawayn oo rabta dawladnimada.inagaa wax layna barayaa laakiin arintaan islaamku keenay gaalada ka faa iidaysatay oo habkaa ku dhaqanta ilaa maanta. waana xal cad oo lagu faa iiday.

Bal in habaar ku dhacay soomaali oo nin fakaraya oo wax kala garanayaba lagu arag hoogooda,waxay ku dhawaad 30 sanadood xalin waayeen inay ka aag badashaan caasimadii hore ee soomaaliya intaan lagu kala tagin1991.waxaan wada ognahay in dad yaroo kooban ay ku u arkaan in maslaxadoodu ku jirto in magaalada mogdisho aysan ka dhalan dawlad shaqaysa.Taa badalkeedana waxay liibaan iyo hormar u arkaan iyo xoriyad in ay sii haystaan dhulkii iyo guryihii ay dhaceen,inay kaganaacsadaan wax kasta oo koontarabaan ka ah xataa dalalka gaalada iska daa dal muslim ee,inay dilaan ciday doonaan,in loogu yeero qofka loo awooda sheegtay LOOMA OOYAAN,in la kufsado dumarka laga bilaabo 3sadex sano jir-90 jir oon lagu dhaafin siqiirnimo iyo waayeelnimo midna balaayada la arkay!! intan iyo inkabadan ayay haystaan oo hormar u arkaan oo ka ilaa shanayaan in aysan dhalan dawlad la timaad cadaalad sharci iyo kala danbayn.waxay ka baqayaan in ay waayaan intaas.waxay adeegsanadaan qabyaalad ay dadka qabiil uugu yeerayaan oo ku kicinayaan,waxay la shaqaystaan shisheeha jecel jabka soomaaliyeed iyo maafiyada aduunka ee dal walbaa iska ilaalinayo.

Dadka yaroo magaalada mogdisho ku nooli waxay haystaan guud ahaan daka kunool mogdisho oo geed ku xirteen oo ay bahdileen.Tani waxay keentay in shacabka mogdisho oo kabadan 3000 000 sida la ay sheegtaan noqdeen kuwo aan waxba yac iska oran karin,kuwo aan dawlad dhaltay taageeri karin,kuwo diintooda aan sax u haysanin,kuwo war war iyo cabsi ku nool ah.waxay magaaladu waa Mogdisho ee ay isku raacsan tahay in aan dawladi ka hanaqaadin oo ku shaqaynin.waxay liqday oo cuntay MOGDISHO isku day dawladeed oo dhan 7 todobo madax wayne sida dawladii Genaraal caydiid,tii cali mahdi,tii cabdi qaasim,tii cabdullahi yusuf, tii shariif,tii xasan sheekh,iyo tan farmaajo oo ay hortaagan tahay hada.Saraha maha wax wax diidan iyo ciida iyo geedaha ee waxaa diidan dadka kunool MOGDISHO.waa magaalo iska diiday in dawladi ku shaqayso waana aragnaa mudo nus qarni ku dhaw.

Haday MOGISHO iska diiday in dawlad soomaaliyeed ku shaqayso oo ay ahaato caasimad umada soomaaliyeed u dhaxaysa oo dawladoodu ugu shaqayso sow kolkaa xaqmaha in aynu garano in aan meel kale oo dawladi ku shaqayso doonano? war soow maha in aan cilmiga iyo caqliga kaashano oo wax garano? war dawladnimadu maha wax ciyaar ciyaar ah waa bad baado umadeed sidaa daraadeed intaan qabyaalada iska dayno iyo talo xumada aan xalka raacno oo baadi goobno.magaalooyinka iyo dhulka soomaaliyeed makala fadilan yahay oo qaarbay xaaran tahay in laga dhigto caasimad miyaa? war soomaaliyeey maanta ma caasimad baynu u baahana hay mise bad baado qaran? war ma waxaa jira doqonimo iyo garasho xumo ka wayn agfadhigaa la ag fadhiyo mogdisho oo laga dugsanayo uun waa ayay ahaan jirtay caasimad!!!? war dalka soomaaliya malaha miyaa aqoon yahan wax arka wadani wax arka oo caymiya dalka?

Tusaale yar uun eeg Hargaysa ma waxaa ilaaliya AMISOM? maya ee dad soomaaliyeed baa iyagu is ilaaliya oo difaacaya dawladooda.GAROOWE ma amisom iyo ciidamo ajinabi ah ayaa ilaaliya maamulkaa hana qaaday ee shaqaynaya? maya dadka u dhashay magaalada ayaa ah gob garanaysa macnaha maamulka iyo dawladnimada oo gaarka ka haysa. bal eega BAYDHABO mudadii yarayd ee ay heshay dawladnimada iyo maamulka xasiloonida ka muuqata bal eega KISMANYO maamulkaa jubaland sida uu ka dhigay amaan iyo kala danbayn war miyaan aqliba jirin aan wax ku darisno? dawlad shaqaysaa waxay u baahan tahay caasimad cusub waa intaa intaynu u xayiranahay 30 sanadood.in xaalkeenu ahaado uun AMISOM ayaa ilaalin madaxwaynaha iyo baarlamaanka,markii xiligoodu dhamaadana midkalaa sidii oo kale loo ilaalin masidaa ayaa ah dawladnimo iyo xal soomaaliyeed? soomaaliyeey ma sidan baa aqligiinii? war raganimadiinii ma sidan baa?

Dawladii soomaaliyeed in ajinabi ka ilaaliyo dadkii ay u shaqaynaysay ma ceeb aduunka ka waynbaa jirta? dadku ma cawaanbaa maxaa looga ilaalin dawladooda? waa dhab hadaan laga ilaalin dadka mogdisho dawladu maba shaqayn kartee lafahoodaa loo layn lahaa oo mid lagama reebeen waxay u nool yihin ilaalintaa ciidankaa ajanabi. waa xaqiiq jirta.dhanka kale way jiraan deegaano iyo magaalooyin soomaaliyeed oo aad u tiro badan oo aan u fakarayn sidaa shacabkaa mogdisho ee diidan dawlad nimada oo iyagu difaacaya dawlada soomaaliyeed lana shaqaynaya. hadaba maxaa loo fakari waayay ilaa hada?

GUNAANADKII IYO GABA GABADII

Waxaan rabaa walaalahay soomaaliyeed inay fahmaan waxaynu raadinayno oo ah dawlad soomaaliyeed oo shaqaysa lama rabo mid magac uun iska ah oo aan shaqayn karin.Si aan u helo dawlad shaqaysa waxaa uugu horeeya in aynu ka fakaro magaalo dawladu ku shaqayso oo shacabku u heelan yahay una arko in dawladoodu hirgasho oo dalku yeesho sharaf iyo kala danbayn iyo hanaan quruxsan.dad garan kara qiimaha dawlad nimada iyo soo dhawaynta dadka soomaaliyeed.waana buux magaalooyin sidaa ah oo abaal ku qaba inay helaan dawladoodii oo usoo guurta magaaladooda sidii madiina oo kale.Hadaynu rabno in aan diinteena iyo dalkeena iyo dadkeena bad baadsano waa in aan ka guuraa MOGDISHO macnaha oo aan ula jeedaana yahay in labada aqal iyo madaxwaynaha iyo xukuumaduba dagaan magaalo ay ku gudan karaan hawshooda qaran ee hada aysan gudan karayn sidii kuwii ka horeeyayba ileen maha wax cusub ee.

MOGDISHO markaad eegto mudo ku dhaw 30 sanadood waxaa ka jira wax kasta oo illaahay nacay oo kow uu ka yahay dulmi,waxa lagu gumaaday xaqdaro masaakiin illaahay kuwaas oo habaar iyo inkaar ugatagay MOGDISHO.waxay tahay meel dhiiga dadka lagu daadiyo hal doolar!! waxay tahay meel zinada xadkii dhaaftay,waxay tahay meel ciidii iyo guryihii doorsoomeen xabada iyo sunta iyo dhiiga looma ooyaan kharqiyay,waa magaalo xero dhiig iyo ibliis mininkii u saaxiib noqotay.waa meel dhab ahaan cuqubadii dadkii lagu gumaaday nabsigoodii haysto.waa meel aan caafimaad ahaan u fiicnayn umada soomaaliyeed ee rabta nolol iyo mustaqbal.waa meel naftaada iyo ehelkaagaba laga dheereeyo cidii wax kasaysa.waa meel dadkii ehlu baladka ahaa ee reer xamar lagu banaystay maalkoodii iyo dhiigoodii iyo sharafkoodii oo tabar daridoodii loo xoog sheegtay u dacwooday allaah loona aqbalay kolkaa wax rajo ah malaha mogdisho cadho alaa saaran.qaraxuna waa daimin danbigay galeen dartiis.

Waameel alle yaqaan ka haajiro oo ilmihiisa kala cararo.maha sida lamooday.hadaba si loo bad baado oo dadka inta hartay loo caymiyo halaga digo badasho mogdisho oo ah meel illaahay u carooday oo dhiiga muslimiinta lagu banaystay.waa magaalo dawlad diid ah xalkuna waa in soomaali isdaba qabataa oo is bad baadisaa waana waajib in laga guuraa imaam iyo mu adin xiran macawiso ragii lahaa ay dileen meel dheer halaga fakaro hoosna u eega heerka diin laga joogo !! waxay ilatahay in aysan dan u ahayn qofkasta oo soomaaliyeed in aynu sidaa usii agfadhino 30 sanoo danbe mogdisho waxaana haboon bay ila tahay in aan helo dawladnimo iyo kala danbayn oo ilaashano dawladni madeena dalkeena diinteena iyo dadkeena. waxaan ku helaana waa caasimad cusub dhulkeenu waa isku mid u codeeya.Ugub maha caasimad laga guuraa hadaad soomaaliyeey wax kasaysaan oo fakaraysaan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: