Maqaal: Dowladnimada Soomaaliya oo Hana Qaadey, By Asadnaa Suudi.

Maqaal: Dowladnimada Soomaaliya oo Hana Qaadey, By Asadnaa Suudi.

Midnimada iyo Qaranimada Soomaaliya Si kasta oo loo Cadaadiyo Lama Burburinkaro. si kasta oo Toobiyaheega looga leexiyo waxay Kusoo Dhacaysaa xariiq toosan Waxaana furmay waayiro badan oo isku Murugsanaa mudo badan.

Hadalka Anwar Qarqaash Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibada Ee Imaaraadka Waxa Uu Ka Turjumayaa Tooshka Lagu Qabtay Siyaasadda Imaaraadka Ee Qalafsan, Waxa Kale Oo Soo Baxday Siyaasadda Madaxweyne Farmaajo Iyo Xasan Cali Khayre Ee Ku Wajahan Imaaraadku In Ay Waxbadan Oo Qarsoon Daboolka Ka Qaaday, Kubaddu Hadda Waxay Hortaalaa Madaxdweyne hore Xasan Shiikh Maxamuud iyo Cumar Abdirashiid oo uu Sheegay Anwar Qarqaash In Ay La Ogaayeen Heshiisyada Barbara. Arintaas oo madaxdii hore kadhigtey Eedeysanyaal.

Waa Maxey Qaladka ay xukumada Hassan Sheikh iyo Cumar Abdirashiid galeyn?

Barnaamijka Horumarinta Mashaariicda Yaan la Siyaasadeyn! wuxuu ahaa Cuqul siyaasadeed iyo Madax salaax dhaqaale Oo Madaxweyne Hassan Sheikh iyo Cumar Abdirashiid ku naas Nuujin Jirey maamulka Soomaliland si khaas ah iyagoo danahooda gaarka ah ka hormariyey danta Dalka iyo DadkaTaasoo Dhaawac iyo gaf Ku ahayd haykalka iyo Hanaqaadka Dowladnimada Soomaaliya waana Sababta markii dambe uu Maamulka Somaliland iyo Hogaamiyihiisii Siilaanyo ula soo baxey Qar iska Xoornimo iyo gabi dhacleyn siyaasadeed taasoo Fududeeysey Dowlado kale iney Maalin Cad Ku Hadaaqaan wax Aysan Sharafta iyo Qaranimada Soomaliya gayin.

 

Mar hadii Barnaamijka Horumarinta Mashaariicda Meesha Kabaxey lana jarey xarigii Guntanaa ay ahaa (Muqaawamo Siyaasadeysan) una Dhaxeeysey xukumadii Hassan Sheikh iyo Siilaanyo. waa guul Ay dhinaca siyaaaada kagaadheen Madaxweyne Farmaajo Iyo Raysal Wasaare Khayre, Imaaraadkana Ku Khasabatay In uu Cadeeyo Mawqifkiisa.

Tooshkan Lagu Ifiyey Imaaraadku Waxay Soo Afjaraysaa Arrimo Badan, Sababtoo Ah Talaabo Kasta Oo Uu Qaado Oo gefku Ah Qarannimada Soomaaliya Ishaa Lagu Hayaa, Hanna Noqdo Baasaboor Aan Ahayn Baasaboorka Soomaaliya oo Ay Dalkooda U Ogolaadaan Ama Dhaqdhaqaaq Dublumaasiyadeed, Imaaraadka Xataa Waxay Badeleen weedhihii Ay Saxaafadooda Ku Qori Jireen Ee Dhaawacayey Qarannimada Soomaaliya, Taasna Waxaa Keentay Siyaasadda Cad cad oo tarmeysa maalinba Maalinta kadambeeysa Ee Madaxweyne Farmaajo Iyo Raysal Wasaare Khayre Ee Ku Wajahan Imaaraadka iyo qayrkood.

Ugu Dambeyntii waxaan Xasuus reeba idinka Dhigeyaa erayadii abwaan samatar baxnaan “hadba waxaan la xarakaadayaa waa xogtaan helaye, waakaa jirkaygii xugnaa soo xankaakubaye, xoonkii shinnida doonayaye xoonbax oranaayey, aan xabagbarshiyo awlallada cidi la xaalaynnin, xawliga durduradaan ka biqi xeeb inaan tago’e“. hadaba yeesan idinka hoos bixin in wadamada Aduunka si kasta oo Laysu neceb yahay ama Dano gaar ah la kala Leeyahey hadana Waxaa Taal shuruuc iyo Diblomaasiyad aan la Dhaafi karin.

 

Asadnaa Suudi,

[email protected]

Mediator at Madasha60, Columnist & Political Activist

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Abdinasib Hassan jama 5 years ago

    Asc
    Qoraalkani wuxuu mudan yahay loo Mahad Celiyo 
    Qoraaga oo isku hawlay tusmaynta dawlad iyo
    Sharafta ay leedahay iyo duliga aan qarsoonayn ee 
    Dawlad la,aanta Mahadsanid

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com