Maqaal: Dal iyo Dowladda Jirta Dal laguma Tilmaamo Haduusan Sharci Jirin

Maqaal: Dal iyo Dowladda Jirta Dal laguma Tilmaamo Haduusan Sharci Jirin

Aadamigu xili fog ayuu ogaaday oo helay in uu ku dhaqmo xeer iyo sharci uu ku heshiiyay oo dagsaday. Sharciga sarayntiisa iyo ku dhaqankiisa waxa uu ka helay faa iido ah in uu wada noolaado,helo nabad galyo,helo xuquuq,helo sharaf iyo karaamo,helo sinaan,helo cadaalad,helo hormar dhaqaale,helo hormar tacliimeed,intan maheleen bulsho hadaan jirin sharci.waxaa afka englishka lagu yiraa (Supremacy of the law) macnuhu waa saraynta sharciga.

Waxaan sina looga maarmayn markii sharcigii lahelo in hadana laysku xukumo maadaama sharcigu sareeyo oo qabto qof walba waa in laysku xukumaa oo la fuliyaa kanaa bulshada caalamka iyo dawladuhuba  u yaqaan oo ugu yeeraan( Rule of law) macnahu waa isku xukunka sharciga. waxaa cad hormar iyo nolali majirto hadaan sharci laysku xukumin.halkan waxaad ka fahmaysaa in ay waajib tahay in loo hogaansamo sharciga hadaan rabno dawladnimo,dal,karaamo iyo jirtaanba.

Dalkeena soomaaliya iyo caasimadiisii Mogdisho,waxay noqotay meel aan lahayn sharci iyo kala danbayn 27 sanadood,maxaa dhacay weeye waxaa meesha ka baxay dawladnimadii 1991 waxaana dhacay MAQNAANSHO DAWLADNIMO. Aad in loo fahmaan rabaa,intaa kadib dadkii soomaaliyeed waxay u noqdeen xeerka iyo dhaqanka duurjoogta.duurjoogta xayawaanka ahi waxay cuntadooda ku helaan xoog iyo in midba midka kale cuno oo wixiisana ka qaato ka xoogo,maxaa jira ufiirso malaha aqligii uu kusamaysan lahaa xeer kala bad baadiya si ay uwada noo laadaan.Laakiin maha in basharku sidaa xaya waanka oo kale u dhaqmo,maxaa jira caqli baa illaahay kusiiyay aad kaga duwan tahay xayawaanka aan lahayn caqliga.

Waxaan ognahay in Mogdisho ay dhisan tahay kuman yaalo sanadood,dadkii reer Mogdisho ee banaadiriga ahaa waxay lahaayeen xadaarad iyo ilbaxnimo nidaam iyo kala danbayn,waxayna sifiican qay libaax uuga qaateen xiligii gobonimada iyo dawaldnimadii soomaaliyeed,si fiican bay ula shaqeeyeen dawladihii soomaaliya 1960-1991. suaashu waxay tahay maxaa hadii Mogdisho xadaarad lahaan jirtay ka dhigay meel aan lahayn sharciga basharku ku dhaqmo,oo 27 sanadood,uga jirtaa dilka,dhaca,kufsiga,ganaacsiga xubnaha dadka,faraxumaynta caruurta wiilasha,iibinta gabdhaha soomaaliyeed iyo wax kasta oo xumaan ah?

Waa suaal wayn laakiin jawaab kooban ayaan kaasiinayaa,dadka Mogdisho lagu yaqaan ee dhisay waxay la burbureen dawladii dhacday,oo wadadaas ayaa la raacsiiyay,waxaa dadkaas banaadiriga ah gacantooda ka baxay,hantidoodii,taladoodii,dadnimadoodii iyo naftoodiiba,waxaa haray in yar oo illahaay bad baadiyay.Mogdisho gacantoodii waa laga bixiyay.maxaa yimid Mogdisho?

Waxaa yimid dad badaw ah oo garab ka helaya bulshada loo yaqaan XAMAR DAYE. xamar daye oo qaab qabiil loo adeegsaday waxaa kasoo baxay nabsigii iyo dulmigii ay galeen,tanaa keentay in badawgii gobolada dhexe ka yimid ku soo jeed sado isaga markuu dadka intiisii kale xaaqay.kadibna xamardaye ayaa cagta la mariyay oo lagu kuusay kaaran,oo magaaladii Mogdishana laga dhigay bakaaraha halkaas oo xamardaye iman kari waayay.xamardaye oo ku oodan kaaraan ayaa dawladii cabdullahi yusuf iyo geedi kasoo fureen dabarkii 17 sanadood iyagoon arkin laamiyadii mogdisho ayaa la tusay. Xamardaye in yar oo falaagowday oo mudug dagta oo layiraa wacaysle mooyee inta kale waxay garteen danbigay galeen waxayna rabaan dawladnimo wana ka hareen badawdii.waana ku mahad sanyihiin fahmakooda waana ku liibaaneen.

Mogdisho 27 sanadood dad horor ah ayaa haystay oo hantidii umada soomaaliyeed ku habsaday.waxay heleen lacagtii umada soomaaliyeed waxay wali dagan yihiin goobihii dawlada iskadaa guryihii shacabka.beerihii shabeelada hoose oo dhan ayay haystaan dadkii lahaana ay laayeen,waxay u barteen oo qurux iyo dadnimo iyo nidaam moodeen sidaa.waxay ka soo horjeedaan in dalkaani yeesho dawlad shaqaysa iyo in sharcigu shaqeeyo.Waxaa lawada og yahay tuug guri dad leeyahay soo dhacay,hadii bilaysku ku soo baxo in aanu farxayn nin walbaa waa og yahay. sharciga iyo kala danbaynta waxa uu u arkay in isaga aanay dani ugu jirin markaa cadaw buu ku yahay.

Waxay hada la yaaban yihiin kuligood oo lawada naxsan yihiin,xildhibaan danbi galay oo dawladu horkeenayso sharciga! waxay naftooda ku sasabaan mooshin lagu rido dawladan si dalku u galo fawdo oo halkiisii uugu noqdo.sharcigu maha uun mid qabta shacabka ee waa mid loo siman yahay oo qabanaya xil dhibaanka tiirkana taagaya.ama dawlada u shaqee ama shacabka ka mid ahaw ee waa qofkasta saaran si uu lafihiisa uugu nabad galo in uu ilaaliyo sharciga dalka.dawladu sharcigay ilaalinaysaa fulinaysaa. xildhibaanada ku doodaya sharcigu maqaban karo xildhibaan hadana aflagaadaysanaya madaxda qaranka iyo xeer ilaaliyaha dalka ee guud waxay hada ku jiraan danbi waayo sharcigu ma ogola in dawlada lagu been abuurto adoo xil dhibaan ah waliba oo xil ku saaran yahay.

Dadaka soomaaliyeed waa in ay fahmaan in sharcigu yahay waxaynu kuwada noolaan karo oo kaliya waxaynu ku ahaan karo qaran iyo dal jira waa sharciga iyo xukunka fulintiisa.Nina sharciga kama wayna.mana nihin xiligii dawlad la aanta iyo fawdada. dalkeenu lama joogo xili wax la mucaarado waayo dalkeenu wuu burburay dhan walba waxa la rabaana waa dhisid dawlad shaqaysa,dhisid ciidan,dhisid dhaqaale dhisid dib u xorayn dalkeena.Ninka leh waxbaan mucaaradayaa waa caday waa cadaw inagu dhex jira oo inoo diidan dawladnimada.

Waxay ka xun yihiin dawlad diidku Mogdisho oo nabad ah,waxay ka xun yihiin sinaanta,cadaalada,dawladnimada,hormarka soomaaliya ku talaabsatay.waxay ka xun yihiin gusha madaxwayne farmaajo iyo khayre iyo labada aqal isku duubnidooda shacabkii soomaaliyeed iyo caalamkiiba raali ka noqday oo loo riyaaqay ayay ka xun yihiin. qoladani waa dawladiid waa niman aqlgoodu noqday lacag xaaran ah sidee ku heshaa oo ku taajirtaa oo kaliya.waa dad aan lahayn maskax iyo aragti qaran iyo mid soomaalinimo. waa badaw yay ah oo dalkii la haray. cid aaan ayaga ahayn oo sharciga diidan mogdisho maanta majoogo.

Soomaaliyeey ogaada dawlad nimada laguma helo baryo iyo karti xumo mana aha dawladnimadu wax meel cidla ah iska yaal oo layska qaato,waxaa waajib inagu ah in kumanyaalo u daadiyaan dhiigooda,sida ciidamada hada ladagaalamaya cadawga ee dhiigooda u huraya dalkooda iyo dadkooda iyo diintooda sidaa si lamid ah waa in shacabku u istaagaa in uu u dhinto dalkiisa oo dawladiid layska qabto.shacabka waxa u hoosaasinaya shabaabka ee guryaha ku haystaa ee la shaqaynayaa si shacbka loo xasuuqo waa dawladiidka,kolkaa soo sheega ku soo sima dawlada waxaad ka shakidaan oo shacabku hala shaqeeyo dawlada rag iyo dumarba.qof walba xil baa kasaaran dalkiisa iyo diintiisa.

Wakaa shacabkii mogdisho markay la shaqeeyeen dawladooda,oo warkii keeneen nin wax qarxiya lawaayay,guyo badana hada waa lagu maqan yahay oo lagu hayo hub qoryo iyo bastoolado sharci daro ah.nin kii xaafad walba kusoo kordha sidaa usoo sheega,cidii uu kusoo dagay ayaa dusha u ridanaysa waxa uu sameeyo.wataa habeen iyo maalin mogdisho meeshaad doontaad ka mari waa nabad buuxda,waxaa keenay shacabkaa raba dawlada nabada iyo hormarka.shacabka mogdisho is xorayskaa aad cadawga dawlad diidka ah iska qabateen waa guul idinka iyo soomaali oo dhanba u soo hoyatay waana mahad santihiin.sharciga waa in la ilaaliyaa lagu dhaqmaa,qofkii qof dila waa la dilayaa,qofkii danbi gala sharcigaa lagu qaadi haduu dilyahay iyo haduu xabsi yahay.tanaa dan u ah shacabka mogdisho ee 27 sanadood madaxa laga garaacayay ee la adoon sanaayay.

Qorre Yuusuf Cumar 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com