Site icon Radio Daljir

Mandhera oo ‘dagaal qarka u saaran iyo duqa magaalada oo kenya eedeen ujeediyay

Gudoomiyaha Ismaamulka Mandheera Cali Rooba ayaa kadigay dagaal ku dhexmaro magaaladaas Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Mandheera ku sugan.

Gudoomiyaha waxa uu sheegay in ay xiligaan farta wadnaha ku hayaan, marka la eego dhaq-dhaqaaqyada ciidamada labada dhinac ay ka kala wadaan Labadaan ee isku dheggen.

Cali Rooba waxa uu tilmaamay in Dowladda Kenya ay oo ay hoostagaan in ay ka indha-saabaneyso gulufka colaad ee ka dhex jira Ciidamada DFS iyo kuwa Dowlad Goboleedka Jubbaland.

“Dowladda Kenya ayaa qaadaneysa mas’uuliyadda hadii uu dagaal ka dhaco Magaalada Mandheera, waayo goor hore ayaan u sheegtay n aysan indhaha ka qabsan waxa muuqda ee ah ciidamada isku hub uruursanayo, markale waxa aan leenahay gudda mas’uuliyadina oo Mandheera ka saara Ciidamada Jubbaland” ayuu yiri Gudoomiye Cali.

Exit mobile version