Maman Sidikou: Waan Is-casilayaa Hadii Somaliya ay hagaagi weydo

Axad, Ogoosto 16, 2015 (Daljir) — Ergayga Gaarka ee Ururka Midowga Afrika ee Arrimaha Somalia, ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM, Ambassador Maman Sidikou ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Wargeyska The Eastern African ee ka soo baxa magaalladda Nairobi, wuxuuna sheegay inay dadka Soomaaliyeed ka soo kabanayaan  colaadihii sokeeye, isla markaana lagu hawlan yahay Dhismaha Dowladnimo iyo Hay’addaha Ammaanka.

Waxa uu tilmaamay inuusan Somali u arkin meel cabsi leh, isla markaana muhiimadda tahay sidii Bulshooyinka loo tusin lahayn wax kasta oo ay AMISOM qabato.

“Haddii aan rumeysnayn inay Somalia mar kale sare u kici doonto, waa inaan iska casilaa Xilka” ayuu yiri Ambassador Ambassador Maman Sidikou.

Mar wax laga weydiiyey inuu ka hadlo Warbixintii Hay’adda Human Rights soo saartay sannadkii hore oo lagu eedeeyey inay Ciiddanka AMISOM, kuwa Dowladda Federalka iyo Dagaalamayaasha Alshabaab geysteen Tacadiyo ka baxsan Aadminimadda, waxa uu sheegay inuu ka hadli karo Arrimaha AMISOM ee uu Madaxda ka yahay, wuxuuna ku eedeeyey Human Rights Watch inay La-tashi la’aan u daabacday Warbixintaas.

Ergayga Gaarka ee Midowga Afrika ee Somalia, ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM waxa kaloo wax laga weydiiyey qaabka ay Dowladda Somalia iyo Ururka Midowga Afrika u yareyn karaan dilalka dhaca, waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay inay dalalka xubnaha ka ah Ururka AU-da inay wadaagaan Hawlaha Sirdoonka.

Wuxuuna hoosta ka xariiqay in ay Xarumaha dhexe ee AMISOM yihiin Taliska Kontoroolka iyo Xiriirinta Hawlgalka AMISOM, si loo soo celiyo Ammaanka Somalia.

Ambassador Maman Sidikou, waxaa kaloo wax laga weydiiyey Xiriirka Diplomaasiyadeed iyo Safaaradaha laga furanayo Somalia inay kaalin ka qaadan karaan Deganaanshaha Somalia, waxa uu tilmaamay inay tahay Farriinta xooggan ee loo dirayo Ummadda Soomaaliyeed oo ay AMISOM taageerayso.

“Haa, waxaa jiri karta khataro, laakiin waxaa loo baahan yahay inaan halkaasi joogno, sida Kenya, Burundi, Uganda, Djiboutu, Turkiga, Midowga Europe iyo Ururka Jaamacadda Carabta” ayuu yiri Ambassador Maman Sidikou.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com