Malta oo tahriibayaasha markabka Alan Kurdi ogolaatay

Malta oo tahriibayaasha markabka Alan Kurdi ogolaatay

Dowladda Malta ayaa ogolaatay lixdan iyo shan ka mid ah tahriibayaasha lasoo badbaadiyay ee xeebaha Libya inay kusoo xirtaan xeebaheeda, kadib howlgalkii lagu soo badbaadiyay.

Raysal wasaaraha jaziiradda Joseph Muscat ayaa sheegay kadib wadahadal ay la yeesheen guddiga Midowga Yurub iyo dowladda Germany in loo ogolaaday lixdan shanta qof ee markabka saaran inay soo gaaraan dhulka Malta, iyadoona loo rari doono qaybo ka mid ah dalalka Midowga Yurub.

Dadkan ayaa la socda markabka badbaadada ee Alan Kurdi.

Laba markab oo badbaadada ka mid ah ayaa sidoo kalle jebiyay go’aanka Talyaaniga uu ku mamnuucay in xeebaha dalkaasi lasoo gaarsiiyo tahriibayaasha lasoo badbaadiyo.

Go’aanka Malta ayaa yimid saacado kadib markii shaqaalaha markabka Alan Kurdi ay sheegeen in sadex ka mid ah dadka saaran markabka ay u baahanyihiin gurmad degdeg ah oo dhanka caafimaadka ah.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com