Malta oo Gacanta ku Dhigtay Somali Daroogada iibin jiray

Bacaadweyn, Maarso 14, 2016 (Daljir) —Wargeyska Times of Malta ayaa qoray in maanta Maxkamadda la soo taagayo Nin Somali ah oo ka mid ah Koox isku xiran oo ka ganacsata noocyadda Daroogadda.
 
Hadal ka soo baxay Boliska Malta ayaa lagu sheegay inay maalmihii ugu dambeeyey ay gacanta ku soo dhigeen 15 qof oo ku eedeysan inay isticmaalaan, soo dejiyaan kana  ganacsadaan noocyadda khatarta ee  Maan-dooriyaasha.
 
Ninka Soomaaliga iyo  13 kale ayaa lagu xiray magaalladda Paceville ee Galbeedka Malta, kadib, markii lagu qabtay iyagoo isticmaalayey kana ganacsanayey Daroogadda, gaar ahaan  Koka’iin, Xashiishka iyo nooca budada ee ay Daroogistayaasha isaga duraan Xididka.
 
Eedeysanaha Soomaaliga waxaa lala qabtay Eedeysanayaal kale oo u kala dhalatay dalalka Malta, Ireeland, Nigeria iyo Gambia.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com