Maleeshiyo beeleed dagaal qasaare badan dhaliyay uu ku dhexmaray gobolka Galgaduud

Caabudwaaq, Aug 14 – Dagaallo u dhaxeeya maleeshiyo beeleedyo xoolo dhaqato oo reer miyyi ah ayaa ka bilowday deegaanka Bangeelle ee gobolka Galguduud.

Wararka uu helayo? radio Daljir xaruntiisa degmada Caabudwaaq ayaa sheegaya dagaalka inuu salka ku hayo kala dhac xoollo, maleeshiyaadka dagaalamaya ayaa kasoo kala jeeda deegaanada Cadaado iyo Caabudwaaq.

Khasaaraha dagaalku gaystay ayaa gaaraya inta la hubo dhimashada 4-qof iyo dhaawacyada inka badan 7-oo u badan dhinacyada dirirtu dhexmartay.

Odayaasha gobolka Galguduud ayaa wada dadaallo ay ku doonayaan inay ku joojiyaan dagaalka, iyagoo xiligaan bilaabay xiriiro ku’aadan inay soo kala dhexgalaan dhinacyada dirirtu udhaxayso.
?

Diiwaanka Wararka

Daljir Bosaso.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com