Maleeshiyaadka Xutiyinta ah oo Weraaray Markab Xeebaha Yeman ku sugnaa

Maleeshiyaadka Xutiyinta ah oo Weraaray Markab Xeebaha Yeman ku sugnaa

Maleeshiyadda Xuutiyiinta Yemen ee ay Dowladda Iiraan taageerto ayaa la sheegay inay Markabkaasi ku weerareen meel ka baxsan Xeebta magaalladda Xudeydah ee Galbeedka Yemen.

Sarkaal ka tirsan Taliyayaasha Maleeshiyadda Xuutiyiinta ayaa sheegay inay Khasaaro xooggan u geysteen Markabkaasi.

Saraakiisha Maraykanka ayaa iyagana xaqiiyey in ay Markabkaasi weerareen Maleeshiyadda Xuutiyiinta, isla markaana uu soo gaaray burbur ballaaran.
Shabakadda u khaaska ah Wakaalladda Wararka Sputnik News Agency ee dalka Raashiya waxay qortay inay Ilo kala duwan u sheegeen inuu dab qabsaday Markabkaasi oo taagan Badda Cas, meel ka baxsan Xeebta magaalladda Xudeydah.

Warbaahinta Wararka ee Almasdar News ayaa iyadana qortay inuu Markabkaasi haatan Badda quusay.

Ciiddanka Isbahaysiga Sacuudiga waxay shalay bilaabeen Hawlgal Dagaal oo ay doonayaan inay Maleshiyadda Xuutiyiinta kala wareegeen Dekedda magaalladda Xudeydah oo muhiim u ah Ammaanka Maraakiishta isticmaasha Gacan-biyoodka Baab Al-mandab.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com