Malayshiyaadka Xuutiyiinta oo weerar ku qaaday ciidamada Sacuudiga iyo Isbahaysiga oo ku jawaabay duqayn cirka ah

Qaraxyo iyo weerar toos ah ayaa saaka waxaa lagu qaaday bar kaantarool oo ay ku sugnaayeen ciidamada Sacuudiga oo ku yaalay xadka ay wadaagaan Sacuudiga iyo Baxrayn.

Ciidamada amniga ayaa gacanta ku dhigay ragii weerarka soo qaaday,iyagoo dhaawacay laba kamid malayshiyaadkii hubaysnaa.

lama sheegin ilaa iyo haatan halka uu bar tilmaameedku ahaa iyo cida u fududaysay.

Diyaaradaha dagaalka ee dalka Sacuudiga ayaa dhanka kale duqayn ay ka gaysteen magaalada Sanca waxa ay ku dileen 11 qof oo rayid ah oo ay ku jireen Arday iyo carruur, halka 39 kalena lagu dhaawacay weerkaasi.

Dhanka kale mas,uuliyiinta goobaha caafimaadka ee dalkaasi Yaman ayaa soo sheegaya in dhimashadu ay gaarayso 13 qof oo ay ku jireen 7 carruur ah.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com