Mahcadka daraasaadka siyaasadda ee Heritage oo ka hadlay Tahriibka dhalinyaradda

Mahcadka daraasaadka siyaasadda ee Heritage oo xaruntiisu tahay Muqdisho ayaa daraasad dhinacyo badan taabanaysa kasoo saaray tahriibka oo dhallinyarada Soomaaliyeed ku haya dhibaato ba’an.

Daraasadda Machadka ayaa lagu sheegay inay sabab u tahay tahriibka colaadaha, shaqo la’aanta iyo arrimo kale, waxaana uu machadku sheegay in colaaddii soo billaabatay sannadkii 1991-kiia ay dad badan oo Somali ah baday inay dad kala qoxooti ku noqdaan.

Sidoo kale, Machadka ayaa daraasaddiisa ku sheegay in goobaha ugu badan ee dhallinyarada Soomaaliyeed ay ka tahriibaan ay ka mid yihiin Somaliland iyo Puntland, isagoo xusay in Muqdisho iyo deegaannada Koonfurta ku yaalla ay aad ugu yar yihiin dadka tahriiba.

“Dadkii aan wax ka weydiinnay tahriibka ayaa waxay 68% noo sheegeen in tahriibku uu yahay mid ay ku badan yihiin ragga, halka dumarku ay ku yar yihiin, kuwaasoo ka tallaaba dalal badan dhibaatooyin badanna kala kulma,” ayaa lagu yiri daraasadda Heritage.

Mahcadka ayaa intaas ku daray in magaalooyinka ugu tahriibka yar ay tahay Kismaayo, halkaasoo la sheegay in dadka ka tahriiba ay aad u yar yihiin, marka loo eego magaalooyinka kale ee Muqdisho iyo Baydhabo.

Waddamada ugu badan ee Soomaalidu ay u tahriibaan ayuu machadku ku sheegay inay ka mid yihiin Koonfur Afrika iyo waddamo ku yaalla Yurub oo xilliyadii dambe aad uu u soo kordhayay u tahriibiddooda iyadoo lasii maro waddamo kale.

Dhanka kale, Machadka ayaa wrabixintiisa ku xusay in fududeynta tahriibka ay qayb weyn ku leeyihiin waaliddiinka oo ku bixaya lacago fara badan si ay caruurtooda u gaaraan wadamada Yurub ama kuwo kale ee dhaqaalaha leh.

“Tahriibka lagu tago waddamada waxaa ku baxda dhaqaale u dhexeeya 10,000 illaa 20,000 oo doollarka Mareykanka ah, waxaase jira dhibaatooyin kale oo ay la kulmaan dadka tahriiba sida inay gacanta u galaan kooxaha loogu yeero maga-fayaasha oo madax-furasho ka qaata,” ayaa warbixinta lagu yiri.

Machadka Heritage ayaa wuxuu sheegay in tahriibka uu leeyahay hal faa’iido oo ah in marka ay dhalliyaradaasi tagaan dalalka ay doonayaan ay qoysaskii ay tageen u soo diraan lacago badan, taasoo sanad walba lagu qiyaasay 1.4 bilyan sida warbixinta warbixinta lagu xusay.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com