Magacyada shaqsiyaad lala xiriinayo qaraxii Zoobe oo lasoo bandhigay(sawiro)

Magacyada shaqsiyaad lala xiriinayo qaraxii Zoobe oo lasoo bandhigay(sawiro)

Dowladda faderaalka ayaa maanta soo bandhigtay shan qof oo ay sheegtay inay ka dambeeyeen weerarkii dadka badan ay ku geeriyoodeen ee Muqdisho gaar ahaana Isgooyska Zoobe 14kii bishii Oktoober.

Wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay shanta qof inay kala ahaayeen.

  1. Mukhtar Mohamud Hassan (Gardhuub) –
  2. Abdiweli Ahmed Dirie (Abdiqani) oo ahaa madaxa qaraxyada Gobolka Benaadir, marka uu Gardhuub amarka ka yimaado
  3. Hassan Aden Isaq, oo ahaa darawalkii gaariga Noha-da, ahaana isku xirihii weerarka 14ka Oct, inta uusan wareejin Noha baa la qabtay.
  4. Ali Yusuf Wa’eys (Duale) oo ahaa shaqsigii loo diyaariyey inuu Noohada isku qarxiyo.
  5. Abdullahi Abdi Warsame Gaariga TM ka drawalka waday oo isku qarxiyey waa Maadey (Cismaan Xaaji

Weerarkii Zoobe ayaa galaabtay inka badan sadex boqol oo qof, waana weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee kadhaca caalamka marka laga yimaado 1/9 ee Mareykanka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com