Madxweynaha Puntland oo kismaayo u duulay

Madxweynaha Puntland oo kismaayo u duulay

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdilaahi Deni iyo wafdigii uu hogaaminayay ayaa goor dhawayd ka ambabaxay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

wafdiga madaxweynaha ayaa ka qayb galaya Caleema saarka madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.

magaalada Kismaayo waxaa ka socota xaflada qaban qaabada lagu soo dhawaynayo wafdiga madaxweynaha Puntland, waxaana gaaroonka Kismaayo kusugan madaxweynaha Jubaland, Wasiiro, Xildhibaano, iyo dadweyne farabadan.

dowladda Soomaaliya ayaa ku guul daraysatay in madaxweyne Deni iyo wafdigiisa ay ka baajiso ka qayb galka caleema saarka madaxweynaha Jubaland kadib markii madaxtooyada Bosaaso uu kula kulmay wafdi wasiiro ah oo dowladda ka socday.

Madaxweynaha ayaa lafilayay in uu shalay u ambabaxo magaalada Kismaayo balse wax uu ubaaqday kulamadii uu Bosaaso kula lahaa wasiiradii dowladda ka socday.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com