Madaxwynayaasha Soomaaliya oo balan qaad ka helay Masar

Madaxwynayaasha Soomaaliya oo balan qaad ka helay Masar

Sida uu sheegay wargayska Al-Dastur ee kasoo baxay magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar madaxwaynayaasha Soomaaliya iyo Masar ayaa khadka taleefanka ku wada halday, iyagoona si gaar iska waraystay xaaladda siyaasadeed, ammaan iyo dib u dhis ee dalka Soomaaliya.

Madaxwaynaha Dowladda Faderaalka Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa dhigiisa dalka Masar u sheegay inuu soo hagaagayo ammaanka iyo dib u dhiskii dalka, waxaana uu uga mahadceliyay madaxwaynaha Masar taageerada dowladdiisa ee Soomaaliya, isagoona sheegay inuu jiro xiriiri taariikhi ah oo labada dal ka dhexeeya.

Madaxwaynaha Masar ayaa bogaadiyay isbadalada amni ee dalka, waxaana uu sheegay in dowladdiisa sii wadi doonto taageerada Soomaaliya ee la dagaalanka argagixisada.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Waa lagu yaqaan RUUX markuu tuug yahay meel walba buu isku QAADAA maanta abdifatah ZIIZII shalay waa imaarad tuugnimo ku qabtay cagtii joogsan waydaa mar bey ceeb la kulantaa sacuudiga wixii ka dhacay waan ogsoonahay

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com