Madaxweynihii horre ee Somaaliya sheekh shariif oo Muqdisho gaaray

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ahna Hoggaamiyaha Xisbiga Himilo Qaran ayaa goor dhow soo gaaray magaalada Muqdisho, kaddib muddo sanad iyo bilooyin uu ka maqnaa.

Sheekh Shariif ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhoweeyay Wasiirka Amniga Qaranka, Xildhibaano ka tirsan labada Gole iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynihii hore Shariif ayaa loo galbiyay guriga uu ka degan yahay Muqdisho oo ku dhow agagaarka Garoonka Diyaaradaha, halkaasoo uu kula hadli doono taageerayaashiisa.

Socdaalka Sheekh Shariif ee Muqdisho ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay si aad ah loo hadal hayay, waxaana magaalada Muqdisho ka socday qaban qaabo lagu soo dhoweynayo.

Wararka ayaa sheegaya in maalinta Sabtida uu ka qeyb geli doono Munaasabad uu Xisbiga Himilo Qaran ku yeelanayo Muqdisho.

Sidoo kale warar ayaa sheegaya in Shariifka la kulmi doono Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre, kulamada ayaa ah kulamo qado ah.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com